4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Saraakiil ka socday ciidamada AMISOM oo Maanta gaartay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan (SAWIRRO)
1.JPG

Sabti, June, 16, 2012 (HOL) – Saraakiil isugu jirta Uganda, Burundi iyo  Jabuuti qeybna ka ah howlgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya ayaa maanta markii ugu horeysay gaartay islamarkaana si wada jir ah u booqday magaalada Beledweyne.

Wafdiga ayaa markii ay soo gaareen magaalada waxaa ay kulamo la qaateen mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyo saraakiisha dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadlleen arrimo la xiriira xaaladaha dhinaca nabad-galyada iyo waliba xoojinta ciidamada midowgga Africa “”AMISOM’’ oo hadda qeyb ka mid ah ku sugan magaalada Beledweyne.

Kulan ay si wada jira ah u qaataan wafdiga AMISOM, mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo Saraakiisha dowladda Itoobiya ayaa siweyn loogu lafaguray howl-galada ka dhan ah Xarrakada Al-shabaab iyo sidii loo soo dadajin lahaa ciidamada AMISOM inta ka dhiman, iyaga oo sheegay xubanaha maanta gaaray magaalada Beledweyne in maalmaha nagu soo foolka leh soo gaari doonaan gobollka ciidamo dheeraad ah oo ka socda midowgga Africa.

2.JPG

Intii ay ku sugnaayeen saraakiisha magaalada Beledweyne waxaa ay booqdeen Isbitaalka guud ee magaalada iyaga oo halkaa warbixino kaga dhageystay howl-wadeegnada Isbitaalka, waxaana ay sheegeen in qorshahoodu aheyn oo kaliya dhinaca militariga, laakiin ay doonayaan xitaa in ay gacan ka geystaan howlaha la xiriira arrimaha bulshada sida caafimaadka.

Booqashada saraakiisha AMISOM ay ku tageen magaalada Beledweyne ayaa ku soo beegantay xili maalin uun ka hor uu booqday magaalada wasiirrka wasaarrada arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka  dowladda KMG C/samad Macalin Max’uud oo wehliyaan xubno ka tirsan wasaarrada gaashaandhiga xukuumada KMG, Midowgga Africa iyo UN-ka intaba.

4.JPG
3.JPG
5.JPG6.JPG

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya.