4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Murashaxiinta u taagan xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya oo Muqdisho kulan ku yeeshay Qodobbana kasoo saaray

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Kulan ay laba maalmood uga socday Muqdisho 10-murashax oo u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya ayay kasoo saareen dhowr qodob oo ku saabsan doorashooyinka, iyagoo beesha caalamka ugu baaqay inaysan madaxda dowladda KMG ah u isticmaalin doorashada gargaarka ay beesha caalamka ka helaan.

Murashaxiintan ayaa waxaa ka mid ahaa: Xaaji Maxamed Yaasiin, Prof. Axmed Ismaaciil Samatar, Xasan Sheekh Maxamuud, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmo-dheere), Xuseen Khaliif Jaamac iyo C/faarax Shirdoon Saacid.

Xubnihii ka hadlay gabgabadii kulanka waxay si aad ah uga hadleen doorashada madaxnimo ee lagu wado inay bisha Ogoosto ee sannadkan ka dhaco Soomaaliya, iyagoo ka digay musuqmaasuq ay sheegeen inuu ka jiro dhinaca odayaasha-dhaqanka ee kulanka ku leh Muqdisho.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo hadlay ayaa sheegay in loo baahan yahay in si gaar ah loo eego doorashada madaxtinimo ee dalka, isla markaana ay tahay lagama maarmaan in la muujiyo sinnaan iyo cadaalad, isagoo tilmaamay in doorashadaas oo ay ka qayb-galayaan xubno badan oo ay iyagu ka mid yihiin laga ilaaliyo waxyaabo keeni kara musuq-maasuq iyo cadaalad-darro.

Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ka hadlay kulanka ayaa sheegay sheegay inay odayaasha dhaqanka ee laga sugayo inay soo xulaan ergada ansixinaysa dastuurka qaarkood ay yihiin kuwo aan sax ahayn oo aan matalin beelaha Soomaaliyeed, wuxuuna intaas ku daray in hoggaanka dalka ay amar ku bixiyeen inaan odayaasha lala kulmi karin, taasina ay meesha ka saarayso in musharixiinta xil madaxnimo ee dalka u taagan ay odayaashaas la kulmaan.

Kulankan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay isugu yimaadaan xubno u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya, waxaana xubnahan intooda badan ay ka socdaan xisbiyo siyaasadeed oo dalka ka jira.

Ugu dambeyn, xubnaha kulanka ka hadlay ayaa waxay sheegeen in kullamadoodu aanu ku ekaan doonin halkan, balse ay yeelan doonaan kulammo kale, ayna sidoo kale la kulmi doonaan bulshada qaybaheeda kala duwan si ay ugala hadlaan xaalka dalku ku sugan yahay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya