4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Wasaarada Waxbarashadda Somaliland oo shaacisay Xilliga uu dhacayo Imtixaamka Shahaadiga ee Dugsiyadda Dhexe iyo Sare

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Wasiirka Waxbarashadda iyo Tacliinta sare Marwo: Samsam Cabdi Aadan, ayaa sheegtay wakhtiga rasmiga ah ee imtixaanka shahaadiga ah Dugsiyadda dhexe iyo kuwa Sareba ka bilaabmi doono Somaliland, iyadoo sheegan in bishan June sodankeedda uu imtixaanku u bilaabmi doono, waxaanay ardayda ugu bushaaraysay in niyad sami ku galaan imtixaankaasi.

Samsam Cabdi Aadan, wasiirka Waxbarashadda Somaliland, ayaa shaacisay in bishan June 30-keedda si rasmi ah uu imtixaanka guud ahaan Somaliland degmooyinkeedda iyo goboladeeda ka bilaabmi doono sideedda subaxnimo isla maaalin kaliya ee bishan sodankeedda.

Wasiiradu waxay sheegtay in fasaladda sideedaad ee Dugsiga dhexe iyo fasaladda Afraad ee Dugsiga Sare Ardayda imtixaanka u fadhiisanaysa ay dhan yihiin: 17,531 Arday, iyadoo dugsiga dhexe oo kaliya fasaladda sideedaad ay dhan yihiin 11,667 Arday, halka dugsiyadda sare fasaladda Afraadna ay u fadhiisan doonaan 5,846 arday goboladda oo dhan.

Sidoo kale, waxa ay xustay in dugsiyadda Sare 42 goobood oo ay imtixaanka ku galayaan loo diyaariyey, halka dugsiga dhexena 98 goobood ay ku gali doonaan, isla markaana hawl-wadeenadda kala duwan ee ilaalin doontaa imtixaankana ay noqon doonaan 1,263 hawl-wadeen.

" imtixaankii shahaadiga ee Fasaladda sideeddaad ee dugsiga dhexe iyo fasaladda Afraadka ee sugsiga sare uu imtixaankoodu si rasmi ah u bilaabmi doono bishan june 30-keedda, sideedda subaxnimo, iyadoo loo diyaariyey agabkii iyo goobihii ay ku gali doonaan, waxaana ardayda u fadhiisanaya kuwa sare iyo kuwa dhexaba ay dhan yihiin 17,531 Arday"ayey tidhi Wasiirka Waxbarashadda Somaliland Samsam Cabdi Aadan oo warbaahinta kula hadlaysay xarunta imtixaanaadka wasaaradda Waxbarashadda ee magaaladda Hargeysa.

Wasiirka Waxbarashadda waxay Ardayda u rajaysay guul iyo inay imtixaankaasi ku najaxaan, isla markaana ku baraarujisay in aanay ku khalkhalin ee ay deganaan ku galaan imtixaanka.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland