4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Dhaxal-Sugihii Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo ku geeriyooday Magaalada Geneva ee dalka Swizerland

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Telefishinka dalka Sucuudiga ayaa maanta oo Sabti ah baahiyay in dhaxal-sugihii boqortooyada Saudi Arabia, Naa'if Bin Cabdul-casiis Aala-Sucuud uu ku dhintay magaalada Geneve ee dalka Swizerland.

Naa'if ayaa ahaa tan iyo sannadkii 1975-kii ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo ra'iisul wasaare ku xigeenka Sucuudiga, wuxuuna ku dhintay da'da 78-sano, waxaana ku xigeenkiisu uu sheegay dhawaan inuu caafimaad qabo oo uu dib ugu soo laabanayo dalkiisa.

Dhaxal-sugahan ayaa waxaa la magacabay bishii Oktoobar ee sannadkii hore kaddib markii uu dhintay walaalkiis ka weyn oo dhaxal-suge ahaa laguna magacaabi jiray Suldan Bin C/casiis.

Xukuumadda Riyadh ayaa sheegtay in aaska dhaxal-suguhu uu ka dhici doono magaalada Maka ee dalka Sucuudiga maalinta Axadda ah ee soo socota, Naa'if ayaa ka mid ahaa 40-wiil oo uu dhalay aasaasihii boqortooyada Saudi Arabia, C/casiis Aala-Sucuud.

Boqor Cabadalla oo haya xilka boqortooyada Sucuudiga oo da'diisu tahay 89-sano ayaa sannadkii hore lagu soo sameeyay qaliin, iyadoo lagu wado in Salmaan oo 76-jir ah wasiirka gaashaandhigga Sucuudiga loo magcaabao xilka dhaxal-sugaha boqortooyada Sucuudiga.

Dalka Sucuudiga ayaa tan iyo sannadkii 1935-kii wuxuu kusoo jiray xukunka la iska dhaxlo ee boqortooyada, waxaana tan iyo xilligaas xilka isku bedelayay wiilashii uu dhalay aasaasihii boqotooyada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya