4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 16, 2012
Ganacsato Soomaali ah oo bilihii ugu dambeeyay dalka Koonfur Afrika loogu geystay falal isugu jira dil, dhac iyo boob-hantiyeed

Sabti, June 16, 2012 (HOL) — Labadii bilood ee lasoo dhaafay dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay in ka badan 10-ganacsato Soomaaliyeed ah tiro intaasi ka badana waa lagu dhaawacay, waxaa kaloo loo geystay boob-hanitiyeed oo aad u ballaaran.

Dilalka oo ahaa kuwo fool xun ayaa waxay ka kala dhaceen magaalooyin kala duwan waxayna dilalka ugu badani ka dhaceen gobolka Western-Cape gaar ahaan tuulooyin iyo xaafadaha ku dhow magaalada Cape-town, dilalkan ayaa ahaa kuwo saf-mar ah oo ay geysteen kooxo burcad ah oo u dhashay Koofur Afrika kuna hubeysnaa bastoolado.

Goob-joogayaal ayaa u sheegay HOL inay indhahooda ku arkeen dilal ay ka naxeen oo lagula kacay ganacsato Soomaaliyeed oo intooda badan lagu weeraray goobihii ay ku ganacsanayeen laguna furay rasaas markii ay dhinteenna laga tagay iyadoo aan wax laga qaadan, waxaa kaloo ay sheegeen inay arkeen ganacasto Soomaali ah oo iyagana inta la dilay laga dhacay hantidii u taallay dukaammada iyo gaadiidkii ay wateen.

Lama oga sababta keentay inay burcaddu si lama filaan ah u soo xoogeystaan xilligan oo lagu jiro qaboobe ah oo aan looga baran burcaddu inay geystaan falal noocan oo kale ah.

Dilkii ugu naxdinta badnaa ayaa wuxuu ahaa mid dhacay toddobaadkii lasoo dhaafay markaasoo la dilay wiil dhallinyaro ah oo intii aan la dilin ka hor laga jaray faraha gacmihiisa iyo sanka, kaddibna lagu dhex-toogtay gaarigii uu watay iyadoo la dhigtay maydka wiilkan iyo gaarigiisii meel kayn ah, waxayna tani argagax weyn gelisay Soomaalida ku nool Koonfur Afrika, oo qaarkood sheegay in tobban xabbo lagu dhuftay.

Galabnimadii Jimcaha ayaa xaafada Phillippi oo ku dhow magaalada Cape-town waxaa lagu dilay ruux Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Jiin, waxaana lagu dhex toogtay gaarigiisii kaasoo yaallay bannaanka goobtiisa ganacsi ee uu xaafaddan ku lahaa

Illaa hadda ma jiraan dad loosoo xiray dilalka iyo boobka is-daba-joogga ah ee loo geystay Soomaalida ganacsiga ku haysata dalka Koonfur Afrika, laakiinse ciidamada booliskuna waxay sheegeen inay baaritaano wadaan, weyna adag tahay in la helo fursado lagu ogaado cidda dhabta ah ee ka dambeysay dilalkan iyo dhaca is daba jooga ah ee Soomaalida loo geysanayo, maxaa yeelay goobaha ay dambiyadani ka dhacaan ayaa ah xaafado isku raran ah oo ay adag tahay in ciidamada booliisku ay gaaraan isla markaan ay soo qabtaan kuwii dambiyada galay.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa waxay intooda badan ku ganacsadaan goobaha ka fog magaalooyinka oo ay dhaqaale badan ka helaan, taas ayaana keentay in si fudud loogu dilo.

Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape-town, Koonfur Afrika