4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2012
Kulan Qaaraan loogu Ururinayo Abaaraha Baahsan ee ka jira gobolada Awdal iyo Selel oo lagu qabtay Magaalada Boorame

Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Kulan ballaadhan oo lagu qiimaynayo Abaaraha baahsan ee ka jira goboladda Awdal iyo Selel ayaa ka qabsoomay magaaladda Boorama ee gobolka Awdal, waxaana kulankaasi ka soo qaybgalay Salaadiin, cuqaal, Ganacsato, siyaasiyiinta ururada siyaasadda, Hay’adaha dawladda ee qaabilsan arrimaha aafooyinka iyo Dadweyne kale oo badan.

Kulankan waxa hadalo ku qotoma inta ay leegtahay abaaraha goboladan ka jira ka jeediyey Cuqaal iyo aqoonyahano Qiimeyn ka sameeyey inta ay leegtahay abaaraha goboladan ka jira, waxaana halkaasi lagaga dhawaaqay lacag iyo cunto loo ururinayo dadka ay halakeeyeen abaaraha soo noqnoqday ee goboladan asiibay.

Sidoo kale, Qaadhaankan loo ururiyey ee bulshadda qaybaheedda kala duwan iskugu timid waxa xukuumadda Wakiil u ahaa Afhayeenka madaxweyneha Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo sheegay inuu madaxweynuhu ka xun yahay abaaraha goboladan ka jira, isla markaana xukuumaddu qaybteedda ka qaadan doonto qaadhaan ururinta loo samaynayo dadka iyo xoolaba ee abaaruhu dhibaateeyeen.

Shirkan ayaa daba socday qaylodhaan toddobaadkii hore kaga dhowaaqeen salaadiinta gobolkan Awdal, kuwaas oo la doonayey inay bulshadda qaybaheedda kala duwan ka soo qaybgalaan shirkan oo lacag loogu ururiyo dadkaasi abaaruhu hayaan.

Kulan ayaa lacag qaadhaan ah iyo Raashin lagu taakulaynayo dadka abaaruhu ku habsadeen ee goboladan Awdal iyo Selel loo ururiyeyey, iyadoo xukuumadani balanqaaday inay qaybteedda bixin doonto, isla markaana gurmad balaadhan ka gali doonto caawinta loogu jirto dadkaasi xooluhu ka baxeen ee miyiga ku dhaqan.

Barkhad-Ladiif M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland