4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 15, 2012
Dukaammo gaaraya 30-dukaan oo lagu Boobay Koonfur Afrika iyo cabsi ay Qabaan Ganacsatada Soomaaliyeed
Jimco, June 15, 2012 (HOL) — Wararka aynu ka heleyno Dalka South Afrika ayaa sheegaya in kooxo hubeysan oo u dhashay dalkaasi ay xalay boob u geysteen ilaa 30 dukaan oo ay lahaayeen ganacsato u dhalatay dalalka Soomaaliya, Bangaladesh iyo Hindiya, iyadoona kooxahaasi ay qaateen gabi ahaan wixii yaallay Dukaamadaasi.

C/risaaq Xasan Carte oo ah wariye Madax Bannaan oo ku sugan magaalada Johansberg ee dalka Koonfur Afrika ayaa HOL u sheegay in dukaamada la dhacay ay laahayeen ganacsato u badan Soomaali, wuxuuna xusay khasaaro lixaad leh in uu kasoo gaaray ganacsatadii hantidooda la dhacay.

"Shacab hubeysan oo u dhashay South Afrika ayaa Boob u geystay ilaa 30 dukaan oo ay lahaayeen Hindi, Somalia iyo Bangaladesh, dadkii dukaamada lahaa naftooda ayay kala baxsadeen, waxaana la qaatay hantidii taallay oo dhan," ayuu hadalkiisii raaciyay.

Wariye Carte ayaa intaasi ku daray in dhawaan laga cabsi qabo in uu dhaco kacdoon ay sameynayaan shacabka u dhashay dalka Koonfur Afrika kasoo looga soo horjeedo dadka Ajaanibta ah ee ku ganacsada dalkaasi.

Ganacsatada Ajaanibta gaar ahaan kuwa Soomaalida ee ku dhaqan dalka Koonfur Afrika ayaa had iyo jeerba shacabka u dhashay dalka Koonfur Afrika waxa ay kala kulmaan, Dil iyo weliba boob loo geysto hantidooda, ma jirto cid ilaa imika u istaagtay sidii ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka heysta dadka ajaanibta ee ku sugan dalkaasi Koonfur Afrika.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya