4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Madaxweynaha Somalia oo dalacsiiyay in ka badan 200-sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed

Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dalacsiiyay 241 sarkaal oo ka tirsan ciidanka asluubta Soomaaliyeed, waxaana saraakiisha ay darajooyinkooda u dhexeeyaan G/sare illaa Xiddigle.

Xafladda looga dhawaaqayay ciidamadan la dallacsiiyay oo ka dhacday xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa saraakiil ka tirsan dowladda KMG ah iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka socday.

"Maanta waxaa farxad weyn inoo ah in madaxweynaha Qaranku dallacsiiyay 241 sarkaal oo ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya, waxaana darajada G/sare u dallacay 14-sarkaal, G/dhexe waxaa u dallacay 12-sarkaal, Gaashaanle waxaa u dallacay 14-sarkaal, dhamme waxaa noqday 31-sarkaal, laba xiddigle waxaa noqday 41-sarkaal, xiddiglena waxaa noqday 129-sarkaal," ayuu yiri taliyaha ciidamada asluubta, Jen. Cabdi Maxamed Ismaaciil oo xafladda ka hadlay.

Taliyuhu wuxuu sheegay in mar haddii waajibkii ay dowladda ku lahaayeen la siiyay loo baahan yahay inay iyaguna dardar-geliyaan howlahooda, isagoo intaas ku daray inuu booqday xarumihii ay ciidanka asluubtu ku lahaayeen gobolka Shabeellada hoose.

"Maalmo dhawed waxaan booqannay xarumaha ciidanka Asluubtu ay ku leeyihiin gobolka Shabeellada hoose sida xaruntii wiilasha ee Lafoole iyo xaruntii gabdhaha ee Afgooye, waxaana qorshuhu yahay in ciidanku uu dib uga howlgalo," ayuu yiri Jen. Cabdi Ismaaciil.

Ugu dambeyn, taliyuhu wuxuu sheegay inay socdaan qorshayaal lagu doonayo in xarumahaas looga saaro dadka daggan dib u dhisna loogu sameeyo si ay ciidanku ugu shaqeeyaan, iyadoo dallacsiintan ay noqonayso tii ugu horreysay oo lagu dallacsiiyo ciidanka asluubta Soomaaliyeed.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya