4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 14, 2012
Dood-cilmiyeed looga hadlay kobcinta iyo Tayeynta Fanka Soomaaliyeed lagu soo gaba-gabeeyay Muqdisho

Khamiis, June 14, 2012 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta fanka Soomaaliyeed oo muddo labo maalmood soconayay ayaa lagu soo gaba-gabeeyay xarunta hay'adda cilmi-baarista iyo wada-tashiga ee CRD, waxaana kulankaas ka qaybgalay abwaanno, fannaaniin, muusikatayaal, iyo jilayaal.

Dooddan ayaa ahayd mid talo iyo aragti la isku weydaarsanayay, isla markaana lagu cabirayay caqabadaha hor taagan fanka Soomaaliyeed, iyadoo ka qaybgalayaashii ay muujiyeen sida ugu diyaarsan yihiin in fankii Soomaaliyeed dib boorka looga jafo.

Maareeyaha wakaalada murtida, madadaalada iyo farshaxanka, abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf ayaa sheegay in la isugu yimid in qof walba ama fannaan kasta fikirka uu qabo la arko, isla markaana caqabadaha jira la ogaado si fanka loo kobciyo.

"Waxaa la isugu yimid in wax la is-weydiiyo qof walba fikirka uu qabana la arko, caqabadaha hortaagan waxaa ka mid ah, dagaallada kala qo-qobnaanta iyo balaayada nagu soo duushay, waxaa la idinka rabaa inaad fikirkiina soo uruurisaan," ayuu yiri abwaan Cabdi-dhuux oo xusay in fanka looga baahan yahay in dhanka wanaagga ah uu bulshada wax ka tuso.

Abwaan Cabdi-dhuux ayaa intaas ku daray in fannaaniinta waagii hore ay ahaayeen kuwo leh muuqaal qurux badan iyo tiyaatarka oo aad u qurux badnaa, laakiin hadda waxaa saameyn ku yeeshay dhibaatooyinka dalka ka jira.

"Fannaaniinta Soomaaliyeed markii loo jeedo muuqaal ahaan aad ayay u qurux badanaayeen, meesha ay joogaan oo qurux badan, waxay ummadda u sheegayaan oo qurux badan, tiyaatarka ay ku shaqeyn jireen oo qurux badan, waxaas oo idil waxay kusoo laaban karaan ummaddooda oo midowday, colaada iyo mushkilada ku dhex jirta shisheeyaha kusoo duulay ka xorowda," ayuu yiri abwaan Cabdi-dhuux.

Agaasimaha hay'adda cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD, Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay inay qorsheynayaan iyagoo kaashanaya wakaalada murtidada, madadaalada iyo farshaxanka in bandhigyo ay soo bandhigaan, kaasoo ay ka qayb-galayaan hobollada kala duwan.

"Barnaamijyada la samaynayo waxaa kuwo ay wado wakaaladda murtida, innaga CRD meel yar ayaan kaga jirnaa, laakiin barnaamijka mas'uuliyiintii Qaranka joogto iyagaa wada, iyagaan kaalmo-siinnaa, iyagaan la shaqeynaa, hadda waxaa jira afar barnaamij kooxihii Qaranka way badnaayeen sagaal kooxood ayay ahaayeen, laakiin meel baan ka bilownay, waxaa laga bilaabay hobolladii waabari, horseed, heegan, iyo onkod, waxaa jira iftin iyo danan waxaan aaminsannahay afartii u horreysay ee lugaha ku taagnaa ayaan ku bilownay," ayuu yiri Jabriil Ibraahim Cabdulle.

Fanaaniintii iyo abwaanadii kulanka ka qaybgalay qaarkood ayaa xusay inay jireen caqabado kala duwan, hase ahaatee fanka uu iminka awooddiisa yeelanayo, iyagoo soo qaatay in sideed bilood ka hor fanku ahaa mid aad u hooseeyay, balse maanta uu gaaray meel sare.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya