4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 13, 2012
Dowladda Mareykanka oo Qoxooti ay Somali ka mid tahay ka qaaday Jasiiradda Malta dib u dajinna u Sameysay

Arbaco, June 13, 2012 (HOL) — Xukuumadda Washington ayaa toddobadkii hore ka qaadday jasiiradda Malta 20-ruux oo qoxooti ah kuwaasoo isuguna jira Soomaali iyo Eritrean, waxaana la dajiyay dalka Mareykanka.

Qoxootiga Soomaalida ayaa waxay jasiiradda Malta ku tageen tahriib dhinaca dhulka ah iyagoo ka baxay xeebaha dalka Liibiya, iyadoo bishii lasoo dhaafay uu sidoo kale Mareykanka ka qaaday Jasiiradda Malta.

Mareykanka ayaa tan iyo sannadkii 2006 wuxuu Jasiiradda Malta oo qaaradda Yurub ku taalla ay ka qaadeen 1,000 ruux oo qoxooti Afrikaan ah kuwaasoo ay ku jireen qoxooti Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed uu Mareykanku soo saaray ayaa lagu sheeagy in tirada qoxootigan ay yihiin ugu badnaa oo ay soo dhaweeyaan, iyadoo mas'uul Mareykan ah oo lagu magacaabo, Michael R. DeTar uu sheegay in qoxootiga ay ka qaadayaan Malta uu ku yimid heshiis dhexmaray Malta iyo Mareyakanka.

"Innaga iyo Malta waxaa noo dhexeeya heshiis lagu badbaadinayo nolosha dadka qoxootiga ah," ayuu yiri DeTar oo intaas ku daray. "Howsha daad-gureynta qoxootiga waa mid ay iska kaashanayaan xukuumadda Malta iyo hay'ado samofal."

Qoxootigan Soomaalida iyo Ertirean-ka isugu jira ayaa la dajiyay deegaanno kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka, waxayna ku biiryaan qoxootigii sannadkan laga qaaday jasiiradda Malta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya