4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Kulan Wadatashi ah loogana hadlayay Kobcinta iyo Tayeynta Fanka Soomaaliyeed oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

fanka-kobcinta (7).jpg
Arbaco, June 13, 2012 (HOL) — Kulan wada-tashi ah oo ay iska kaashadeen hay'adda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD iyo wakaalada murtida, madadaalada iyo farashaxanka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, iyadoo kulankan looga hadlayay kobcinta iyo tayeynta fanka Soomaaliyeed.

Kulankan oo ay ka qayb-galeen abwaano, xildhibaanno, mas'uuliyiinta hay'adda CRD, fannaaniin ka socotay hobollada horseed, waabari, heegan iyo onkod ayaa socon doona muddo labo maalmood ah.

Ugu horreyn kulanka ayaa waxaa lagu soo bandhigay muuqaal kooban oo ku saabsan tiyaatarka Qaranka oo xilligan la qorsheynayo in dib loo dhiso, kaddib markii dib loo furay muddo ka badan 20-sano.

Maareeyaha golaha murtida, madadaalada iyo farshaxanka, abwaan Cabdi-dhuux Yuusuf ayaa ka hadlay heerarka ay soo mareen fanaanniinta Soomaaliyeed, kuwaas oo markii uu dalka burburay kala tagay, hase ahaatee haatan uu bilowday sidii dib la isugu keeni lahaa, isla markaana fanka Soomaaliyeed loo dhaqaajin lahaa.

Abwaan Cabdi-dhuux ayaa sheegay in dhibaatooyinka dalka kaddib ay suurogashay in fanaaniinta ay isku yimaadaan iyagoo diyaar u ah inay wada shaqeeyaan, isagoo xusay in sideed bilood kaddib markii tiyaatarka la furay iyo maanta uu farqi weyn u dhaxeeyo.

Abwaanku wuxuu hay'adda CRD uga mahadceliyay dadaalka ay dib ugu soo noolaynayso fanka Soomaaliyeed, isagoo xusay in CRD ay dhawaan Injineerro ay ka keentay magaalada Nairobi ee dalka Kenya si ay u qiimeeyaan dayactirka lagu sameynayo tiyaatarka Muqdisho iyo meelaha laga ambaqaadi karo in dib loogu dhiso golihii mutida iyo madadaalada.

fanka-kobcinta (2).jpg

Madaxa haya'dda Cilmi-baarista iyo wada-tashiga CRD, Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in fanaanniinta Soomaaliyeed looga baahan yahay inay qaybtooda ka qaataan nabada iyo horumarka dalka, isagoo xusay in fannaanka aanu lahayn qabiil, isla markaana ay yihiin udub dhexaadka bulshada, isagoo uga digay in koox yar ay jeebka gashato.

Jabriil Ibraahim wuxuu hadalkiisa raaciyay in maalintii la furayay tiyaatarka caalamka oo dhanna laga daawaday ruwaayaddii lagu qabtay ay Soomaaliya is bedeshay, wuxuuna carrabaabay in horumarka socda uu qayb ka yahay farshaxanka oo dib u soo noolaaday, isla markaana waddooyinka qaar laga taagay boorar waa weyn oo ka turjumaya horumarka iyo nabada.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inuu socdo qorshaha yabooha acageed ee dib loogu dhisayo tiyaatarka, isagoo sidoo kale xusay in barnaamijkii heesaha hir-galay la bilaabi doono dhawaan lana keenay qalabkii muusigga.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ah fannaan Soomaaliyeed ayaa sheegay in fanka uu ahaa halkii Soomaaliya laga xoreeyay oo gobonimadii xornimada-doonka qayb libaax looga qaatay, wuxuuna ugu baaqay fannaaniinta inay muujiyaan isku duubni.

Mudane Dalxa ayaa sheegay in qaybaha bulshada laga beegsado ay tahay dadka waxgalka ah, sida fannaanka, suxufiga, iyo aqoonyahanka wuxuuna tilmaamay in cod dheer looga soo horjeedo.

Intii kulanka wada-tashiga ah uu socday ayaa fannaaniinta ka qayb-gashay isku weydaarsaday fikrado iyo aragtiyo ku aaddan qaabka loo tayeyn karo fanka, loona kobcinayo, waxayna xuseen in fanku ahaa mid dhinaca nabada iyo dhiira-gelinta shacabka looga qayb qaadan karo.

fanka-kobcinta (1).jpg
fanka-kobcinta (5).jpg
fanka-kobcinta (6).jpg
fanka-kobcinta (4).jpg
fanka-kobcinta (8).jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya