4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 12, 2012
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in Haddii 100-Milyan ay dalka soo gari lahayd la dareemi lahaa

Talaado, June 12, 2012 (HOL) — Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dib ugu soo laabtay Muqdisho maanta ayaa sheegtay inuu soo dhaweynayo hadalkii kasoo yeeray dowladda Mareykanka ee ahaa in tallaabo laga qaadi doono ciddii ka hortimaadda heshiiska tubta nabadda iyo dastuurka.

Shariif Xasan oo wariyeyaasha kula hadlay garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay inuu ka mahad-celinayo booqashadii uu Johnnie Carson uu ku yimid Muqdisho Axaddii lasoo dhaafay.

"Booqashadii xogahayaha wasaarada arimaha dibada Mareykanka ee Afrika uu ku yimid Muqdisho waxay muujinaysaa in halkan ay nabad tahay, isaguna wuxuu tusay dadaalkiisa caalamka, waana sax in tallaabo laga qaado cid walba oo nabad halkan ka dhalata kasoo horjeesta," ayuu Shariif Xasan yiri.

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu sidoo kale ka hadlay warbixinta kasoo baxday bankiga Aduunnka ee lagu sheegay in 130-milyan oo loogu deeqay Soomaaliya la lunsaday, isagoo sheegay in lacagtaas aysan iyaga soo gaarin.

"Waxaa rumeysanahay in 100-milyan oo dollar aysan dalkan soo gelin, waa arrin aan waxba ka jirin oo laga badbadiyay nin aan aad uga fiirsan ayaa sidaas yiri," ayuu yiri Shariif Xasan oo intaa sku daray: "Haddii lacagtaas ay dalka soo gashay waa laga dareemi lahaa, ciidankeennana mushaar la'aan ma ahaadeen," ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka.

Hadalka Shariif Xasan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shirkii Istanbuul ee horraantii bishan dhacay uu bankiga Adduunku kusoo bandhigay lacago la sheegay in loogu deeqay Soomaliya balse aan la ogeyn halka ay ku baxeen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya