Madaxweynaha Azaaniya oo sheegay in uu maamulkiisu wada hadal la galayo Ahlunna iyo Raaskambooni


Isniin, June 11, 2012(HOL): Munaasabadaan oo ay soo abaabuleen dad ka soo jeeda deeganada uu maamulka Azaaniya ku magacaaban yahay islamarkaasina taageersan oo ka dhacday magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guud ahaan qeybaha bulshada sida, haween, dhalinyaro, waxgarad, aqoonyahano iyo waliba siyaasiin caan ah oo ka jeedaa dalka Kenya.

Ugu horrayntii furitaanka munaasibadaan ayaa waxaa ka hadlay dad kala duwan, oo uu ka mid ahaa Jacfar Maxamed Mooge, oo isugu sheegtay in uu yahay gudoomiyaha gudiga  maamulka Azaaniya ee Gobolka Minnesota,  waxaana uu sheegay in ay soo dhaweynayaan howlaha uu wado maamulka Azaaniya, gaar ahaan so celinta amaanka iyo nabadeynta bulshada.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dadkii madasha ka hadlay Cabdi-qani Sheikh Axmed, oo ah afhayeen maamulka Azaaniya ee waqooyiga Amerika, waxaana uu ka sheekeeyey waxqabadka maamulkooda tan iyo markii la aas-aasay, isagoo sheegay in ay caqabado fara badan ka horyimaadeen, kuwaasi oo ay ka mid tahay in gobolada maamulkoodu uu ku magacownaa ay haystay kooxda xagjirka ah ee Alshabab ee ka dagaalanta Soomaaliya.


“Dhisitaanka maamulka Azaaniya, waxaa uu ku soo beegmay xili ay goboladaasi qabsadeen Shabab, taasina waxaa ay qeybka ahayd waxyaabihii sababay in la aas-aaso maamulka Azaaniya, oo ah sidii Shabab looga xoreyn lahaa sadexda gobol ee Jubooyinka iyo Gedo, taasina haatan meel wanaagsan ayey mareysaa,”  ayuu yiri afhayeenka Azaaniya.

Afhayeenka maamulka Azaaniya, waxaa uu intaasi ku daray in tan iyo markii maamulkooda la magacaabay ay waxbadan ka qabteen, sida in ay aas-aaseen ciidan xoogan oo haatan ka howlgalaya sadexda gobol ee maamulkooda hoostaga.

“Anigu intii aan shaqeynaynay waxaan ku guulaysanay in aan aas-aasno cudud ciidan oo xoogan, kuwaasi oo haatan ka howlgalaya jiida hore ee dagaalku ka socdo iyo aan sidoo kale ku guulaysanay in aan abuurno siyaasad bulsho, islamarkaasina aan ka gudubno caqabadaha jiray,” ayuu yiri Cabdi-qani Sheikh Axmed.

Maxamed Cumar Gaange, oo mar Soomaaliya qusal uga ahaan jiray Kenya, oo isna ka mid ahaa dadkii meesha ka hadlay ayaa sheegay in maamulka Azaaniya ay soo dhaweynayo howlaha uu wado, gaar ahaan in gobolada Jubooyinka iyo Gedo lagu soo celiyo nabad iyo kala dambeyn,  islamarkaasina loo baahan yahay in laga shaqeeyo horumarinta bulshada.


Munaasibada ayaa intii ay socotay ayaa waxaa ka hadlay dad fara badan oo isugu jiray aqoonyahano, cuqaal, isimo, dad matalayey qeybaha bulshada iyo waliba siyaasiin caan ah, kuwaasi oo dhammaantood ka sinaa taageerada iyo dhiiragalinta dhaqdhaqaaqyada maamulka Azaaniya, waxaana ka mid ahaa dadkaasi Cumar Aadan oo ka mid ah siyaasiinta Soomaalida ah ee ka soo jeeda wadanka Kenya, waxaana uu sheegay in ay dowladda Kenya garab taagan tahay hirgalinta maamulka Azaaniya.

“Waxaan idiin sheegayaa Kenya wax dan ah iyada oo aan ka lahayn ayaa waxaa ka go’an in maamul loo sameeyo sadexda gobol ee kala ah labada Jubbo iyo Gedo, waxaana ay garab taagan tahay maamulka Azaaniya ee uu madaxweynaha ka yahay Prof: Gaandhi,” ayuu yiri Cumar Aadan oo ka mid ah siyaasiinta Kenya.

“Midnimada dadka ka shaqeynaya waa in la taageero, aniga aragti ahaan ilama wanaagsana in la mucaarado dadkaasi, guud ahaanteena waxaan u baahan nahay waa wadankeena oo nabad ah oo oo ay dowladnimo buuxdo ka jirto,” sidaasi waxaa yiri Sadiiqa Warfaa, oo ka mid ah shaqsiyaadka u dhaqdhaqaaqa Jaaliyada Soomaalida ee gobolka Minnesota oo isaguna ka hadlay goobta.

Madaxweynaha maamulka Goboleedka  Azaania Maxamed Cabdi  Gandhi, ayaa ugu dambeyntii ka hadlay munaasibadan lagu xusayey sanad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii la aas-aasay maamulkiisa, waxaana Prof, Gaandhi, uu ka hadlay dhowr arimood oo ka mid yihiin dagaalada ka soconaya gobolada Jubooyinka iyo gedo iyo maamul u sameynta goboladaasi, isagoo sheegay in maamulkiisu uu isku dayey islamarkaasna uu dadaal fara badan uu u galay sidii kooxda Al Shabab looga xoreyn lahaa goboladaasi, iyo waliba sidii maamul buuxo gobol waliba loogu sameyn lahaa.

Madaxweynaha Azaaniya, ayaa tiriyey deegaano dhowr ah oo ku yaala qeyb badan oo ka mid ah gobolada Jubooyinka iyo Gedo, kuwaasi oo laga saaray kooxihii Islaamiyiinta ah ahaa oo horey halkaasi u maamuli jiray, isagoo intaasi raaciyey in deeganada kale ee ay wali ku harsan yihiin dhawaan laga saari doono.

Prof: Gaandhi, ayaa mar uu ka hadlayey xiriirka ka dhexeeya maamulkiisa iyo kooxaha kale ee islaamiyiinta ah ee iyaguna ka dagaalamaya deeganada maamulkiisu ku magacaaban yahay ee Ahlu-sunna iyo Raaskambooniyiinta, ayaa waxaa uu sheegay in uu jiro qorshe lagu dhexdhexaadinayo maamulkiisa iyo kooxahaasi, kuwaasi oo uu garwadeen ka yahay urur goboleedka IGAD.

“Kadib markii dowladda Soomaaliya ay iska dhagatirtay guud ahaan arimaheena ayaa waxaa ay dantu nagu qasabtay in aan ururka IGAD u bandhigno, oo aan ka codsano in ay na dhexdhexaadiyaan inaga iyo kooxaha kale ee Islaamiyiinta ah, sida Ahlusunna iyo Raaskaambooniyiinta, islamarkaasna arinta laga dhigo mid gobol,” ayuu yiri Prof: Gaandi.




Maxamed Faarax Talyaani, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota






Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Golaha wasiirrada DKMG Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen maanta magaalada Muqdisho waxay uga dalbadeen odayaasha daqanka inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo gudbiyaan liiska ergada ansixinta dastuurka.

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arrimaha Soomaalia, Danjire Abuubakar Diarra ayaa dowladda iyo shacabka Kenya uga tacsiyeeyay geeridii wasiirka amaanka gudaha dalkaas, ku xigeenkiisii iyo afar qof oo shalay ay diyaaradi kula dhacday dhuleeka Kenya.

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta baqadii waxay xoog ku galeen xarunta shirkadda xawaaladda Jubba Express ee suuqa bakaaraha, halkaasoo ay ka qaateen lacago fara badan sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah shaqaalaha shirkaddaas.

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Dabley hubaysan ayaa salaadii hore ee saaka ku toogtay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamuud Duraan xaafadda New Hargeysa ee degmada Gacan-libaax ee Bariga magaaladda Hargeysa.

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Maamulka Puntland ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku sheegay inay jiraan kooxo dano gaar ah leh oo doonaya inay leexiyaan qorshaha geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa warbixin ay ku daabaceen boggooda Twitter waxay ku sheegeen inay soo dhaweynayaan geeridii wasiirkii amniga Qaranka Kenya, George Saitoti, ku xigeenkiisii iyo afar qof oo kale oo ay ku jireen ilaaladooda oo ku dhintay shil diyaaradeed oo shalay ka dhacay duleedka Nairobi.

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabanayaan wadahadallo dhexmara Dowladda KMG ah iyo maamulka Somaliland, taasoo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii horraantii sannadkan lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain.

Isniin, June 11, 2012 (HOL) — Xukuumadda Mareykanka ayaa ku hanjabtay inay ku soo rogayso xayiraaddo ay ka mid yihiin kuwa safarrada iyo dhaqaalaha cid walba oo ka hortimaadda fulinta heshiiska Roadmap-ka, dastuurka cusub iyo weliba in madaxweyne la doorto.

Somali News

6/11/2012 8:32 AM EST
Ururka Horn Concern ayaa soo qabanqaabiyey xaflad lagu sagootinayo Hashim Ducaale kana dhacday magaalada Leister ee dalka Britain

6/11/2012 7:42 AM EST
Kulankii 11aad ee Geeska Africa ayaa bishan 10keedii lagu soo gabagabeeyey magaalada Lund ee dalka Sweden

6/11/2012 6:04 AM EST
Heavily armed al-Shebab fighters on Sunday recaptured the town of Elbur in central Somalia after Ethiopian and pro-government Sufi militias evacuated witnesses and residents.

6/11/2012 5:57 AM EST
The first Bahrain potable water well dug in the sisterely Republic of Somalia funded by the Royal Charity Organization (RCO) has been inaugurated in cooperation with Islamic Trans-World Relief Organization.

6/11/2012 5:50 AM EST
Kenya's internal security minister George Saitoti, a key figure in his country's fight against Al-Qaeda-linked Shebab insurgents in neighbouring Somalia, was killed in a helicopter crash Sunday.

6/11/2012 5:43 AM EST
President Mwai Kibaki has declared three days of national mourning starting Monday following the tragic death of Internal Security minister Prof George Saitoti and his assistant Orwa Ojode on Sunday morning in a helicopter crash.

6/11/2012 5:25 AM EST
IF there is a single image that encapsulates Somalia’s violent past, its wary present and its uncertain future, it may be the view from the gutted shell of the once-stately Uruba Hotel.

6/11/2012 5:20 AM EST
The United States will impose travel sanctions and freeze assets of Somalis who hinder a political roadmap towards a new constitution and president in the Horn-of-Africa nation, a senior State Department official said on Sunday.

6/11/2012 5:17 AM EST
Turkey’s trade efforts for defense equipment appear to be taking an unfamiliar turn: bartering with fish.

6/11/2012 5:05 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Training in a bullet-riddled stadium where the remains of a rocket propelled grenade lies discarded on the track's edge counts as progress for Somali Olympic hopeful Mohamed Hassan Mohamed.
Click here