4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Dowladda Jabuuti oo sheegay inay kaalin weyn ka qaadanayso dadaallada Caalamiga ah ee lagu xasilinayo Soomaaliya

Axad, June 10, 2012 (HOL) — Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay inay qayb weyn ka qaadanayso dadaallada caalamka ee lagu doonayo in dib loogu soo celiyo nabaddii iyo kala dambeyntii ka jirtay Soomaaliya kaddib 21-sano oo dagaallo ay ka jireen.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Jabuuti, Xasan Darar Hufane oo wareysi siinayay BBC-da ayaa sheegay in xukuumadda iyo shacabka Jabuuti ay ka go'an tahay sidii ay u garab istaagi lahaayeen walaalahooda Soomaaliyeed si ay nabad u helaan.

"Xukuumadda Jabuuti waxay isku raacday inay kordhiyaan taageerada ay siinayaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna u saacidaan si walaalnimo ah oo qoto dheer, si ay nabaddu u soo laabato, sidoo kalena ay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka iyo gargaarka bani'aadamnimo," ayuu Hufane ku yiri wareysigiisa.

Dowladda Jabuuti ayaa waxay 900-askari u soo dirtay Soomaaliya kuwaasoo ku biiray cidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AMISOM oo gacan ka siinaya DKMG ah dagaalka ay kula jirto Al-shabaab oo weli dhul-ballaaran ka talinaysa.

Toddobadkii hore ayaa cutub ka tirsan ciidamada Jabuuti waxaa la geeyay degmada Baladweyne ee gobolka Hiiraan si ay ugala wareegaan ciidammo Itoobiya ee hadda ku sugan.

Dalka Jabuuti ayaa waxay ka mid ahayd dalalkii ay Soomaaliya gacanta weyn ka geystay sidii uu uga xoroobi lahaa gumeytihii Faransiiska ee ka talinayay muddada dheer, waxaana Jabuuti ay go'aansatay inay ka madax-bannaanaato Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya