4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 10, 2012
Saraakiisha Dowladda KMG Somalia ee ku sugan Gobolka Gedo oo Sheegay in duullaan ku yihiin Degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo

Axad, June 10, 2012 (HOL) — Saraakiisha hogaamineysa ciidmaada dowladda KMG ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dhawaan ay duulaan ku yihiin magaalooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.

G/sare Cabaas Ibraahim Gureey oo kamid ah saraakiisha dowladda ee gobolka Gedo oo HOL u waramay ayaa sheegay in ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ay ku jiraan diyaargarowgii ugu danbeeyay oo ay ku doonayaan in ay ku qabsadaan degmooyinka ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ee gobolka Gedo.

Masuulkani ayaa sheegay in ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Kenya ay dhawaan gacanta ku dhigeen degmada Afmadow ee gobolka J/hoose, isagoona xusay in ay xigi doonaan magaalooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere oo ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

"Dowladda ayaa inta badan ka taliso gobolka Gedo, waxaa ka dhiman waa degmooyinka Buurdhuubo iyo Baardheere, iyagana Haduu Alle yiraahdo isbuucan gudihiisa ayaan gacanta ku dhigeynaa," ayuu Korneelka hadalkiisii raaciyay.

Ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya ayaa waxa ay gacanta ku hayaan inta badan degmooyinka Gobolka Gedo, waxaana xaaladda kacsanaan ah laga dareemayaa deegaanada ku xeeran degmooyinka Baardheere iyo Buurdhuubo, iyadoona laga cabsi qabo in ay goobahaasi ka qarxaan dagaallo xooggan oo dhexmara dhinacyada iskuhaya gobolka Gedo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya