4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 9 , 2012
Ra'iisul Wasaare Gaas oo sheegay in Shirkii Kooxda ICG ee Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah
Isniin, July 09, 2012 (HOL) — Ra'iisul waasaraha dowladda KMG Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo maanta dib ugu soo laabtay dalka ayaa sheegay in shirkii kooxda ICG ee lagu qabtay dalka Talyaaniga looga hadlay sidii lagu taageeri lahaa DKMG ah gargaarka bani'aadamnimana loo gaarsiin lahaa goobaha laga saaray Al-shabaab.

C/weli Gaas ayaa sheegay in sidoo kale shirka looga hadlay sidii Al-shabaab looga saari lahaa degmooyinka iyo gobollada ay weli kaga sugan yihiin Soomaaliya, isagoo xusay in caalamku uu doonayo inuu arko Soomaaliya ka baxday KMG-nimada.

"Waxaan ku faraxsanahay inaan dalka dib ugu soo laabto, waxaan ka imid Nairobi, ka hor waxaan shir uga soo qaybgalay dalka Talyaaniga oo ay soo qaban-qaabisay ICG oo lagaga hadlayay arrimaha Soomaaliya; isla markaana waxaa lagaga hadlay Roadmap-ka iyo sidii looga gudbi lahaa KMG-nimada,” ayuu yiri ra'iisul wasaare Gaas.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in qodobbadii kasoo baxay shirkaas ay ahaayeen kuwo dani ay ugu jirto dowladda Soomaaliya, isagoo intaas ku daray in dhankooda ay ka go'an tahay in xilligii loogu talogalay lagu dhameystiro xilliga KMG ah.

Dib u soo laabashada ra'iisul wasaaraha DKMG ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli lagu wado in maalinta berri ah uu Muqdisho ka billowdo shir lagu soo xulayo xubnaha ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya, isla markaana soo xuli doona xildhibaannada cusub ee bedeli doona kuwa hadda shaqeynaya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya