4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Kulaanki ardaya Soomaalida ah ee waxkabarata qaarada Yurub iyo Dhiirigalinta waxbarashada oo London lagu qabtay (DAAWO SAWIRO)



Axad, July 08, 2012(HOL):
Kulan balaadhan oo ay soo abaabuleen Ururka Ardayda Soomaaliyeed  SYDRC aya ka dhacay magaaladan London, Shirkan oo ay kasoo qaybgaleen arday waxka barata jaamacadaha Qaaradan Yurub gaar ahaan dalka Ingiriiska,Kulankan waxa kasoo qaybgalay qaar ka mid ah madax sar sare oo  wax ka dhiga jaamacada dalkan Ingiriiska,Haween ka socda dawlada Hoose iyo dhalinyaro Soomaali ah oo ka mid ah madaxda Dawlada hoose ee qayb ka mid ah xaafadaha London.

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd sidii ardayda waxka barata Jaamacadaha dalkan Ingiriisku iyo dhamaan Yurub ay xidhiidh dhow u yeelan lahaayeen iskana waraysan lahaayeen sidii ay uga gudbi lahaayeen marxaladaha had iyo jeer lasoo darsa marka ardaygu uu ku jiro waxbarashada,sida inuu ardaygu heli kalsooni buuxda waxbarashada uu wado iyo dhiiri galintaba.

Kulankan oo ay isugu yimaadeen arday iyo qaar meelo sare kaga jira dawladaha hoose ee dalkan Ingiriiska iyo Yuruba waxa ay aad uga hadlayeen in dhalinyarada Soomaalida ee dalkan degani ay dedaal sameeyaan ku aadan dhinaca hagaajinta sumcada dadka Soomaalida ah ee qaaradan Yurub ku nool iyaga oo ka qayb qaadanaaya inay isusoo sharaxaan dawladaha Hoose(Councillor) si ay uga mid noqdaan meesha go'aanka lagu gaadhaayo iyo meelaha kaleba.

Waxa shirka dhinaca kale ka hadlay qaar ka mid ah madax sare oo ka tirsan qaaradan Yurub oo maskabyo sar-sare ka haya dawladaha hoose iyo qaar macalimiin ahba waxa ay dhamaantod aad usoo dhaweeyeen kulanka noocan oo kale ah oo ay ku dhiiri galiyeen dhamaan ardayda Soomaalida ee dalkan degani inay aqoontooda sare u qadaan kuna dedalaan sidii ay uga mid noqon lahaayeen jiilka wanaagsan ee ku talaabsada wax wacan.

Dhamaan dadkii kalsoo qaybgalay shirkan oo ka socday ardayda wax ka barata Qaaradan Yurub gaar ahaan dalkan Ingiriisku waxa ay aad usoo dhaweeyeen kulankan oo kale oo ay aad uga faa'ideysteen, waxa ka hadlay dhamaan dhalinyaradii meesha joogtay oo su'aalo farabadana oo cabashadoodii ku saabsanaa weydiyey iyo qaar kale oo shaqooyinka kala hadlaayey,waxa kale oo lagu soo bandhigay Video iyo gabajo ka turjumaaya waxbarashada iyo qiimaha ay ku fadhido, Waxa dhalinyarada dalkan Ingiriiska jogaa ay dhawaanahan laban labeen xaga waxbarashada tasoo ay ugu wacan tahay dhibaato fara badan oo ay soo mareen qaar ka mid ah dhalinyarada Soomaalida waxa ayna ogaadeen in ay tahay wakhtigii lagu dedaali lahaa sidii dhalinayrada xaga waxbarashada sare loogu qaadi lahaa.

Waxa ka hadlay dad aad  u fara badan oo ka kala yimid dhamaan qaarada yurub gaar ahaan dalkan Ingiriiska oo isugu jiray dad aan soomaali ahayn iyo dhalinyaro soomaali ahba, waxa dadkii ka hadlay ka mid ahaa.

Jamal Mohamed from William Ellis,Suber Abdikarim -SYDRC Chairman,   Cllr Jonathan Simpson- Deputy Mayor of Camden,  Cllr Awale Olad -former SYDRC Chairman and first Somali origin Councillor in Camden, By Mohamed Ibrahim- Chair of London Somali Youth Forum (LSYF),  Cllr Nasim Ali -cabinet member of young people,  Richard Barnes- former Deputy Mayor of London- Remarks,   Cllr Keith Moffitt- leader of liberal democrat group-Remarks, Cllr Sarah Hayward- Leader of Camden Council- Remarks,  Charles Grant- Director Centre for European Reform.

Xamse Axmed Salaan
[email protected]