4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 8 , 2012
Iskahorimaad khasaare geystay oo kooxo hubeysan ku dhexmaray deegaan ka tirsan Gobolka Galguduud
Axad, July 08, 2012 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, ruux kalena wuu ku dhaawacmay dagaal kooxo hubeysan ku dhexmaray deegaanka Balli-Howd oo ka tirsan gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya.

Dagaalkan ayaan la ogeyn sababta keentay, iyadoo mas'uuliyiinta degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ay sheegeen in dagaalka uu socday muddo balse ay xaaladdu tahay mid daggan labadii dhinacna ay kuwada sugan yihiin deegaankii uu dagaalku ka dhacay.

"Ciidammo ayaa u dirtay halka uu dagaalku ka dhacay si looga hortago inay halkaas ka dhacaan iskahorimaadyo kale," ayuu yiri taliyaha ciidamada Ahlusunna ee degmada Guriceel, Muuse Macallin Maxamed.

Labada qof ee dhintay ayaa la sheegay inay ka tirsanaayeen kooxihii dagaalamay, waxaana dagaalkan uu imaanayaa iyadoo gobolka Galguduud ay ka socdaan qorshe ay Ahlusunna ku doonayso inay dib ugu laabato degmada Ceelbuur iyo deegaanno kale oo ay bishii hore kasoo baxeen.

Deegaanka uu iska-horimaadku ka dhacay oo 60-km waqooyi kaga beegan degmada Guriceel ayaa waxay qayb ka noqonaysaa deegaannada gobolkaas ka tirsan ee ay ka dhacayeen iskahorimaadyada u dhexeeya kooxaha hubeysan.

Maamulka Ahlusunna ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay dadaal ugu jiraan sidii ay u joojin lahaayeen isku-dhacyada dhexmara kooxaha hubeysan ee ku nool deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Galguduud.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya