4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 7 , 2012
Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland oo cambaareeyay falal uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Saaxil uu kula kaco suxufiyiinta Gobolkaas
Sabti, July,7, 2012 (HOL)-Guddoomiyaha ururka Suxufiyiinta Somaliland ee (SOLJA), Xasan Maxamed Yuusuf ayaa cambaareeyey falal guracan oo uu sheegay in badhasaabka gobolka Saaxil kula kacay wariyeyaasha ka hawlgalla gobolkaasi.

“Badhasaabku wuxuu sheegay in wariyeyaasha ka hawlgalla gobolka Saaxil uu doonayo inuu kala jeclaysto, isla markaana amaro xad gudub ku ah xoriyadda warbaahinta kula kacay suxufiyiintaasi ”sidaas waxa yidhi guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed oo maanta shirjaraa’id ku qabtay hotel Xaraf ee magaaladda Hargeysa, waxaanu sheegay in aanay u dulqaadin Karin ficiladaasi qalafsan ee uu badhasaabka gobolka Saaxil samaynayo. isla markaana marar hore ka codsaday inuu dhibta uu ku hayo wariyeyaasha uu ka daayo.

“gudoomiyaha gobolka Saaxil waxa uu sameeyey kala takoorid uu ku sameeyey inamadda suxufiyiinta ah ee joogga gobolka Saaxil, oo uu yidhaa cidaas mooyee cid kale oo meel dawladu leedahay gali karta oo war ka qaadi karta ma jirto”ayuu raaciyey gudoomiyuhu.

“taas oo macnaheedu tahay kii aan aniga hawshayda fulinayn goobaha wararka ma tagi karo, markii u dambeysay waxa uu marayaa inuu yidhaa qof liisan iga haysan wariye kama noqon karo gobolka, runtii waa wax aad looga yaabo ah in nin gudoomiye gobol yidhaa anigaa aqoonsada oo sharci siinaya wariyaha, gudoomiyaha waxaan leeyahay sida aad u dhaqmaysaa waa mid laga fiican yahay, saxaafaduna maaha mid adiga iyo qayrkaa daba fadhiisanaya, qaar aad yeelan kartidna maaha”ayuu yidhi.

Mar kale isagoo si adag ula hadlaya Badhasaabka Ramaax waxa uu yidhi “Inaan dhimanayo sidaan u ogahay ayaan u hubaa inaad dhiidhi dhexfadhiisanayso oo aad ceeb ka qaadayso haddii aad sidaas u sii socoto, dadkana baritoole ka mid noqon doontida waxaad dhitaysataana waa wax kuu yaalla”

Gudoomiyuhu waxa uu sheegay in haddii uu warbaahinta ka cabanaya uu dariiqa sharciga maro oo uu maxkamadda geeyo dacwadiisa, balse aanu awood u lahayn inuu warbaahinta inta uu doonayo doorto, kuwa kalana diido.

Badhasaabka gobolka Saaxil Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax) ayaa wariyeyaasha qaarkood u diiday inay xafiisyadda dawladda soo galaan, isla markaana wax warar ah ka fidiyaan gobolka, isagoo markii dambana ku soo xidhay inay liisan saxaafadeed ka qaataan xafiiskiisa.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online 
[email protected]
Hargeysa, Somaliland