4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Madaxda wasaaradda caafimaadka Puntland oo maanta kulan la qaatay maamulka Isbitaalka guud ee Garoowe


Talaado, July 31, 2012— Madaxda wasaaradda caafimaadka ee Puntland ayaa maanta kulan la qaatay shaqaalaha ka howlgala Isbitaalka guud  ee magaalada Garoowe. kulankan oo ahaa mid ay wasaaradu soo qaban qaabisay waxaa looga wada hadlayey sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha uu Isbitaalku qabo, adeega uu bulshada u hayana loo dar dar gelin lahaa.

Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdilaahi Warsame oo markii uu shirkaasi soo gaba gaboobey kadib Saxaafadda shir u qabtay, ayaa sheegay in Isbitaalka Garoowe uu kamid yahay kuwa ugu waaweyn Puntland balse uu qabo baahiyo dhowr ah, kuwaasoo ay tahay in sida uga dhaqsaha badan wax looga qabto.

Dr. Cabdilaahi ayaa xusay in Isbitaalada kale ee waaweyn intooda badan ay gacanta ku hayaan, qaar kamid ah hay'adaha samafalka ee Puntland ka taageera dhinaca caafimaadka, arintaasina ay keentay in ay horumar badan sameeyaan.

Haseyeeshee kan Garoowe marka laga reebo taageerada uga timaada bulshada, aysan jirin wax hay'ado ah oo taageero u fidiya, sidaas darteedna ay wasaaradu dadaal dheer u gashay sidii hay'adaha loogu soo xiri lahaa, rajo weynna arintaas laga qabo.

Wasiirka hadalkiisii waxaa kamid ahaai: "Dhaqaalaha Puntland wuu iska yar yahay, tabarna uma hayso arimahan oo kale, sidaas darteed waa in la helo hay'ado Isibitaalka taakuleeya, gaar ahaan qaybaha hooyada iyo dhallaanka".

Isbitaalka magaalada Garoowe oo dhowaan dayactir balaaran iyo qalabeynba lagu sameeyey, waxaa dhaqaalaha ku baxay oo gaarayey in ka badan 70,000$, iska soo ururiyey qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Garoowe iyo guud ahaan gobolka Nugaal.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia