4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Kulan dhexmaray Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo Ganacsato Dhawaan Maxjar weyn ka furay Magaalada Muqdisho

crd1.jpg

Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Kulankan ayaa looga hadlay sidii ay wada-shaeyn u dhexmari lahayd ganacsatada Soomaaliyeed, gaar ahaan ganacsatadii furay maxjarka Ancaam iyo ganacstada Soomaaliyeed ee dhoofisa xoolaha.

Ugu horreyn waxaa hadlay guddoomiyaha rugta ganacsatada Soomaaliyeed, Maxamuud Cabdikariin Gabeyre isagoo sheegay in furitaanka maxjarka Ancaam uu kusoo beegmay xilli magaalada Muqdisho uu ka jirtay baahi loo qabo maxjar lagu xareeyo xoolaha nool inta aan la dhoofin.

"Baahi weyn ayaa loo qabay in la helo sheybaarka xoolaha, naxinta iyo dhoofinta xoolaha iyo in suuqyo loo sameyo xoolaha Soomaaliya iyadoo ay hadda diyaar yihiin dalalkaa Cumaan iyo Sacuudiga isla markaana ay imaan doonaan ganacsato kale oo doonaya inay xoolo ka iibsadaan Soomaaliya," ayuu yiri Gabeyre.

crd2.jpg

Sidoo kale; waxaa goobta ka hadlay maamulaha maxjarka Ancaam, Iimaan Maxamed Cali isagoo sheegay in maxjarka uu diyaar u yahay inuu qabto adeegyada ay u baahan yihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofisa xoolaha isagoo ugu baaqay in ay wadashaqeyn la yeeshaan maxjarka Ancaam.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee dhoofiya xoolaha oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa soo dhaweeyay maxjarka Ancaam, iyagoo balan-qaaday inay wada-shaqayn la yeelan doonaan maxjarka iyagoo tilmaamay in marki hore ay dhibaato ku qabeen inay xoolo ka dhoofiyaan Muqdisho, ayna adeegsan jireen maxjaro ku yaalla degmooyinka Boosaaso iyo Berbera hataanna ay aad ugu faraxsan yihiin inay meel dhow ka helaan adeegyadii ay uga baahnayeen inay xoolaha dhoofiyaan.

Maxjarka Ancaam oo ah maxjar aad u weyn ayaa 28-kii bishan laga furay Muqdihso, waxaana xarigga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu noqonayaa maxjarkan midkii ugu weynaa ee laga furo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

crd4.jpg
crd3.jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya