4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 31, 2012
Hay'adda CRD oo wadda Barnaamij loogu magac daray Baraarug oo Dhallinyarada Soomaaliyeed lagu Maalgelinayo

baraarug-Team (13).jpg

Talaado, July 31, 2012 (HOL) — Barnaamij loogu magacdaray Baraarug oo haya'dda CRD ay soo qabanqaabisay laguna maalgelinayo dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa shalay oo Isniin ahayd lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay ka qaybgaleen boqolaal dhallinhyaro ah.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Maxamed Cali, qaar ka mid ah wasiirradiisa iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa ka qaybgalay, iyadoo madaxa haya'dda CRD, Jabriil Ibraahim Cabdulle uu sheegay in barnaamijkan uu yahay mid shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada Soomaaliyeed.

"Ujeeddada barnaamijkan waa in jawi nabadgalyo lagu abuuro, waana mid aanu ku doonayno in dhallinyarada Soomaaliyeed lagu aamino hanti ay iyagu maamulayaan, iyadoo howshan ay qayb ka tahay in dhallinyaradu ay qaybtooda ka qaatana geedi-socodka nabadeed ee dalka ka socda," ayuu yiri Jabriil Ibraahim.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Cabbaas Caddoow oo ka mid ah dhallinyarada guddiga baraarug, isagoo xusay in barnaamijkan uu yahay mid dhallinyaradu ay iyaga maamulayaan dhaqaalaha lagu maal-gelinayo, isagoo xusay in tani ay muujinayso is bedel cusub, uuna bedeli doono abaalmarinnadii hore oo ahaa qoriga AK-47-ka ah.

baraarug-Team (15).jpg

Guddoomiye ku-xigeenka dhinaca maamulka iyo maaliyadda ee Gobolka Banaadir, Iimaan Nuur Iikar oo isaguna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in barnaamijkan uu horay u soo bilaabay maamulka gobolka banaadir, isagoo ammaanay muhiimadda uu barnaamijkan u yeelan karo dhalinyarada.

Wasiir dowlaha dhalinyarada, shaqada iyo shaqaalaha DKMG ah, Cabdullaahi Sheekh Qaloocow ayaa isna sheegay inay horay u sameeyeen wacyi-gelin ku aaddan sidii dhallinyaradu u qaadan lahaayeen qalinka ayna u dhigi lahaayeen qorigana, ayna wasaaraddu abuurtay ciyaartoy si la isugu xiro bulshada.

Wasiirka warfaafinta DKMG ah, C/qaadir Xuseen Jahweyn iyo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, C/wahaab Ugaas Xuseen oo labaduba ka hadlay munaasabadda ayaa ku dheeraaday doorka dhallinyarada ay ka qaadan karaan horumarinta dalkooda iyo inay yihiin madaxdii dalka ee berri, waxayna xuseen in magacooda dhibaatooyin looga geystay dalka.

Wasiirka gaashaandhigga, Xuseen Carab Ciise oo khudbad ka jeediyay goobta ayaa sheegay in dhallinyarada maqaamkooda la bedelay, isagoo ugu baaqay inay soo ceshadaan sumcaddii ay lahaayeen.

"Al-Shabaab magacii dhallinyarada waa xadeen, waxaa la idinka rabaa inaad idinku kasoo celisaan dowladdana aad garab istaagtaan, inaad aamintaan inaad tihiin mustaqbalkii dalka, dhallinyarada badaha isku tuurayana waxaa leeyahay dalka aad deggen tihiin waa dalka adduunka ugu qanisan uguna barwaaqo badan, waxaa tihiin dadkii bawaaqadaas kala soo bixi lahaa," ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga DKMG ah.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaba-gabadii xafladdii lagu furayay barnaamijkan loogu magacdaray Baraarug ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in muddadii halka sano ee uu xafiiska joogo inaanu arkin boqolaal dhallinyaro ah, isagoo tilmaamay in muhiim ay tahay in la beddelo fikradii lagu bartay dhallinyarada ee 20-kii sano ee lasoo dhaafay.

Barnaamijkan cusub ee Baraarug ee ay daaha ka qaaday hay’adda CRD ayaa waxaa maamuli doona dhallinyaro gaaraysa 12-qofood kuwaasoo maal-gelin u sameyn doona dhallinyaradda, taasoo la filayo inay wax badan ka bedeli doonto shaqo la’aanta baahsan ee dalka ku haysata dhallinyarada Soomaaliyeed.

baraarug-Team (16).jpg
baraarug-Team (17).jpg

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya