4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 30, 2012
Jaamacadda SIMAD ee Muqdisho oo la Guddoonsiiyay Qalab Casri ah oo ay Dowladda Turkigu ugu deeqday
Isniin, July 30, 2012 (HOL) — Daaladda jaamacadaha Soomaaliya ee Somali-Ren ayaa  deeq ka kooba kambiyuutarrro iyo birinto casri ah oo ay ugu deeqday dowladda Turkiga ku wareejisay jaamacadda Simad oo ka mid ah jaamadaha ka howlgala magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.


Mas'uuliyiin ka socotay hay'adda Somali-Ren oo deeqdan ku wareejisay jaamacada Simad ahayd wakiilka ay dowladda Turkiga soo marisay qalabkan iyo madaxa Simad ayaa goob-jooga ka ahaa goobta lagu wareejiyay deeqda oo ahay xarunata ay ku leedahay Muqdisho jamaacadda Simad.

Guddoomiyaha daladda Somali-Ren oo ay ku mideeysa yihiin 10 jaamacadood oo ku yaalla Soomaaliya, Daahir Xasan Cabdi (Daahir Carab) ayaa marka hore goobta ka sheegay in deeqdan ay ka kooban tahay 40 kambiyuutar iyo toddoba Printer  oo casri ah, isagoo tilmaamay inay u soo wakiilatay dowladda Turkiga.

Daaahir Carab ayaa sheegay in deeq sidaan oo kala ah ay guddoonsiin doonaan jaamacadaha ku jira dalaadda uu madax ka yahay; kuwaasoo ay ka mid yihiin:  jaamacadda Camuudi, jaamacadda Muqdisho, jaamacadda Banaadir iyo kuwa kale oo si weyn looga yaqaano dalka Soomaaliya.

Ku-simaha guddoomiye ku-xigeenka dhanka waxbarashadda ee jaamaacdda Simad , Ibraahim Maxamuud Xaamud ayaa qalabka loogu deeqay jaamacadda ka guddoomay guddoomiya daladda jaamacadaha Somali-Ren, Daahir Carab.



Guddoomiyaha jaamacadda Simad, Cabdiraxmaan Odawaa oo isaguna hadal kooban ka jeediyay munaasabadda ay qalabka kula wareegayeen ayaa uga mahad-celiyay dowladda Turkiga iyo daladda jaamacadaha Soomaaliya ee Somali-Ren deeqdan ay soo gaarsiiyeen, isagoona sheegay in wax weyn kusoo kordhin doonto jaamacadda.

Deeqdan ay bixisay dowladda Turkiga ayaa qayb ka noqon doonta in ku dhow 400 oo kambiyuutarrro iyo Printers casri ah isugu jira oo ay ugu deeqday jaamacadaha ka jira dalka Soomaaliya, iyadoo marsiinaysa dalladda ay jaamacadaha Soomaaliya ku mideysan yihiin.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya