4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 3 , 2012
Hay'adda NRC oo sheegtay inay si KMG ah u hakisay howlihii samafal ee ay kawadday Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab-Kenya

Talaado, July 03, 2012 (HOL) — Hay'adda caawisa qoxootiga ee fadhigeedu yahay dalka Norway (NRC) ayaa sheegtay inay joojinsay howlihii samafalka ahaa ee ay ka wadday xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, kaddib afduubkii loo geystay afar shaqaalaheeda ka mid ah oo ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ay xoog kusoo furteen.


Madaxa warfaafinta ee haya'dda NRC, Rolf Vestvik ayaa sheegay in hay'addu ay si KMG ah u joojisay howlihii samafal ee ay kawadday xeryaha qoxootiga Kenya, isagoo sheegay inay eegayaan xaaladda ammaan ee xeryahaas oo hadda aad u xun.

"Shaqaaalihii la afduubay ee lasoo furtay waxay ku sugan yihiin goob ammaan ah oo ku taalla Nairobi," ayuu yiri Vestvik oo sheegay in shaqaalahaas aysan qabin wax dhibaato ah, balse la geyn doono dhakhtar si baaritaanno loogu sameeyo.

Hay'adda NRC ayaa waxay ka mid ahayd labada hay'adood oo doonayay inay ka howl billlaabaan xeryaha qoxootiga Dhadhaab oo hay'adihii ka howli jiray ay cabsi awgeed u joojiyeen howlihii samafalka.

"Gaadiidka ay wateen shaqaalaheenna lama socon wax ilaalo ah," ayuu yiri Vastvik oo sheegay in taasi ay sababtay in shaqaalaheenna la weeraro lana afduubo, iyadoo afarta shaqaaalaha ee xoogga looga furtay ay u kala dhasheen dalalka Kanada, Bakistaan, Fillibiin iyo Tur

Xaaladda ammaank ee xeryaha Dhadahaab oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa ahayd mid aad u xun tan iyo bishii Oktoobar oo ay Kenya u dirtay gudaha Soomaaliya kumannaan askarteeda ah oo la dagaalama Al-shabaab.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya