4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2012
Dab xoog leh oo ka kacay xerada qaxootiga ee Dhagaxley
Axad, July 29, 2012 (HOL) - Dab baabi'iyay gabi ahaanba suuqii ugu waynaa ee xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab ayaa galabta maqribkii halkaas ka bilowday.

Dabka ayaa la sheegayaa inuu haatan ku fiday xaafadaha xerada, kadib markii uu soo dhaafay suuqii Dhagaxley oo la sheegay inuu ahaa kan hantida ugu badan ee ganacsatada xeryaha qaxootiga ay taallay.

Goob jooge ku sugan Dhagaxley oo ay Hiiraan Online wax ka waydiisay dabka ayaa sheegay inuu haatan wali soconayo dabkaasi oo lagu guul darraystay in la damiyo.

Salaad Xirsi ayaa intaas ku daray in ciidamada ammaanka iyo kooxaha dab damiska ee dalka Kenya aysan wax faragalin ah ku samaynin xaalada oo ah mid kasii daraysa.

Salaad ayaa walaac ka muujiyay xaalada xeradaasi, isagoo sheegay in kumannaan dad ah ay kasoo baxeen guryihii si ay qoysaskooda dabka ugala baxsadaan.

Ilaa iyo hadda majirto wax khasaare nafeed ah oo dabkan ka dhashay balse waxaa walaac wayni uu soo food saaray ganacsatadii suuqa gubtay oo markii horeba ku jiray xaalad nololeed oo aad u adag.

Mana cadda sababta rasmiga ah ee uu ka dhashay dabkan oo lagu tilmaamay kii ugu darnaa ee xeryahaasi qaxootiga, tan iyo markii la aasaasay 20 sano ka hor.

Wixii war ah ee dabkaas kasoo kordha waxaad kala socon kartaan wararka dambe ee Hiiraan Online.

Axmed Cabdisamad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya