4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo Maanta kula kulmay Degmada Matabaan Odayaal iyo Waxgarad kasoo Jeeda Degmadaas
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cabdifitaax Xasan Afrax iyo xubno ka tirsan maamulka ayaa maanta gaaray degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha oo wehliynayeen cutubyo ka mid ah ciidamada maamulka gobollka Hiiraan oo kaabiyaan ciidamada Itoobiya ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehliyay guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan Max'ed Warsame Xirsi.

Afhayeenka maamulka gobollka Hiiraan Max’ed Nuur Caga-joof oo la hadllay HOL isaga oo ku sugan degmada Matabaan waxaa uu sheegay in siweyn loogu soo dhaweeyay degmada mas’uuliyiinta uu horkacayay guddoomiyaha gobollka Hiiraan.

"Runtii shacabka oo ay wehliyaan odayaasha iyo waxgaradka degmada aad ayeey u soo dhaweyeen mas’uuliyiinta maamulka gobollka iyo guddoomiyaha cusub ee degmada Matabaan, waxaana ay balan-qaadeen in ay la shaqeyn doonaa dowladda KMG,’’ ayuu yiri Maxamed Nuur Caga-joof.

Waxaa uu intaa ku darray in odayaasha degmada Matabaan iyo guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ka wada hadlleen arrimaha nabad-galyada, gaar ahaan iskaashi laga sameeyo sidii gobollka intiisa kale dib loogu soo celin lahaa gacanta maamulka dowladda KMG.

"Odayaasha degmada iyo waxgaradka intaba waxaa ay balan qaadeen in ay kaalintooda ka qaadan doonaan sidii qeybaha dhiman ee gobollka looga saari lahaa Al-shabaab,’’ ayuu yiri afhayeenka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Matabaan Max’ed Warsame Xirsi oo la hadllay HOL ayaa sheegay isaga oo jooga gudaha degmada in uu si nabad ah ku tagay halkaa, wixii hadda ka danbeeyna uu ka shaqeyn doono howlaha loo soo xilsaaray.

Mar ay HOL wax ka weydiisay wararka sheegaya in iska horimaad uu ka dhacay gudaha degmada, waxaa uu sheegay in wax dagaal ah uusan dhicin, laakiin ay maqlayeen rasaas meelaha qaar  ay ka ridayeen koox doonayay in ay wax arbushaan, kuwaasoo sida uu hadalka u dhigay markiiba ay ka hortageen dadka degmada.

"Maamulku si nabad ah ayuu ku tagay degmada Matabaan, sidaa daraadeed wax dhibaato ah oo ka dhacay gudaha degmada ma’jirto,’’ ayuu yiri Maxamed Warsame.

Mas’uuliyiinta maamulka gobollka ayaa sheegay in guud ahaan gobollka lagu balaarin doono maamulka dowladda KMG, islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan u gaari doonan sida ay hadalka u dhigeen degmooyinka wali ku harsan gacanta xoogagga Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya