4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2012
Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Gaalkacyo oo lagu Weeraray Madaafiic xilli ay ka duulaysay Diyaarad Rakaab
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa maanta lidka diyaaradaha iyo madaafiic ku weeraray garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo oo ku yaalla dhinaca waqooyi-bari oo ay ka taliso maamulka Puntland, inkastoo aan la sheegin khasaare ay rasaastaasi geysatay.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, Siciid Dhegaweyne oo saxaafadda la hadlay duqeyntan kaddib ayaa sheegay in duqeyntu ay dhacday xiilli ay si caadi ah u socdeen howlihii garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.

"Madaafiicda qoriga P10-ka loo yaqaan iyo rasaasta lidka diyaaradaha ayaa maanta kusoo dhacay garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo, waxayna nooga imaanayeen dhinaca dhinaca Koonfurta ee Gaalkacyo," ayuu yiri maareeyaha garoonka.

Siciid Dhegaweyne ma uusan sheegin sababta rasmiga ah ee keentay in garoonka diyaradaha ee Gaalkacyo la weeraro maanta, isagoo sheegay in dhowr jeer oo hore sidan oo kale loo weeraray garoonka xilli ay socdaan howlaha garoonka.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in xilliga ay madaafiicda iyo rasaastu ku dhacaysay garoonka ay ka duulaysay diyaarad rakaab sidday, waxayna duushay iyadoo ay weli dhacayaan madaafiicda, iyadoo dadkii ehellada la ahaa dadkii diyaaraddu sidday ay aad u walwaleen.

Mas'uuliyiinta maamulka Galmudug ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan madaafiicda lagu weeraray garoonka diyaaradaha ee Gaalkcyo oo la sheegay in laga tuurtay Koonfurta Gaalkacyo oo u maamulkoodu ka taliyo.

Duqeynta kaddib ayaa waxaa cadi kusoo laabtay howlihii garoonka, iyadoo dhowr jeer oo hore ay sidan oo kale dhacday, inkastoo aanay jirin cid xal kama dambeys ah ka gaartay madaafiicda lagu weeraro garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya