4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 29, 2012
Dagaal xooggan oo Ciidamada DKMG, Kenya iyo Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose
Axad, July 29, 2012 (HOL) — Dagaal aad u xooggan ayaa xalay ka dhacay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, iyadoona dagaalkaasi uu u dhexeeyay ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

Dagaalkan oo ay labada dhinac isu adeegsanayeen hubka noocyadiisa kala duwan ayaa yimid kadib markii cutubyo katirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar aad u xooggan ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ku leeyihiin duleedka Afmadow.

Goobjoogayaal ku sugan Afmadow ayaa HOL u sheegay in daryanka madaafiicda ay labada dhinac isku ridayeen siweyn looga maqlayay gudaha iyo daafaha magaalada Afmadow, wuxuuna xusay in dagaalkii xalay uu saameeyn ballaaran ku yeeshay shacabka ku dhaqan magaalada Afmadow.

Illaa imika lama garanayo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkii xalay, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii ay dirirtu dhexmartay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalka iyo weliba khasaaraha ka dhashay, waxaana inoo suurogeliweysay xiriirro aynu la sameynay dhinacyadii uu dagaalku dhexmaray.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa 31-da bishii May ee sanadkan gacanta ku dhigay degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose, kadib dagaallo xooggan oo ay Al-shabaab kula galeen deegaanno hoostaga Degmadaasi, waxaana mudooyinkii u danbeeyay isa soo tarayay weerarrada ay Al-shabaab  ku qaadayaan magaalada Afmadow iyo deegaanada kale ee gobolka Jubada Hoose ee ay ku suganyihiin ciidamada huwanta ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya