4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Hay'adda Bisha Cas ee Turkiga oo Soomaaliya u soo dirtay Gaadiid qayb ka qaata dib u dhiska Magaalada Muqdisho
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Hay'adda Bisha Cas ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in Soomaaliya ay u dirtay 77 baabuurta waaweyn oo qayb ka qaadaanya dib u dhiska magaalada Muqdisho oo ah xarunta dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay hay'addu shaacisay Arbacadii lasoo dhaafay ayay ku sheegtay in gaadiidkan laga dhoofinayo maalinta Khamiista ah oo berri ku beegnayd deked ku taalla magaalada Mersin oo koonfurta dalkaas ku taalla.

"Gadiidkan waaweyn oo tiradoodu tahay 77, waxaa loo isticmaali doonaa dib-u-dhiska magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay ha'yadda bisha cas ee dalka Turkiga.

Sidoo kale, hay'addu waxay sheegtay inay Muqdisho u dirayso 4,000 oo tan oo raashin ah, kuwaasoo isugu jira 2,000 oo tan oo sokor ah iyo 2,000 oo tan oo bur ah; si loogu caawiyo shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumadda Turkiga ayaa waxay tan iyo bishii Ogoosto ee sannadkii hore ka waday Muqdisho howlo ay ku caawinayso shacabka Soomaaliyeed oo ay abaaro daran ku dhufteen iyo dib u dhiska iskuullada iyo isbitaallada Muqdisho.

Warsaxadafadeedka hay'adda bisha cas ee Turkiga ayaa kusoo beegmaya xilli uu toddobaadkii hore booqasho ku yimid ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Bakir Buzdag oo sheegay inay Soomaaliya ka fulin doonaan mashaariic horumarineed.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan ugu yaraan 500 oo ruux oo Turki ah kuwaasoo u shaqeeya hay'adaha samafalka iyo kuwa dib u dhiska ee dowladda ka jooga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya