4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Wasiirka Dastuurka Somalia oo sheegay in xalay Hoobiyeyaal lagu Weeraray Xarunta uu ka socdo shirka Ansixinta Dastuurka
Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka DKMG ah ee Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa sheegay in xalay hoobiyeyaal lagu weeraray goobta uu shirka ansixinta dastuurku ka socdo, kuwaasoo uu sheegay inaysan wax khasaare ah geysan.

Wasiirka ayaa sheegay in ujeeddada hoobiyeyaashaas looga dan leeyahay in lagu cabsi-geliyo ergada, balse aysan taasi cabsi gelin karin, wuxuuna wasiirku xusay in weerar walba iyo duqeyn walba oo lasoo qaado uusan hakin karin shirka dastuurka lagu ansixinayo.

"Xalay qolooyin ayaa hoobiye soo tuuray, balse wuxuu ku dhacay meel aad uga fog halka uu shirku ka socdo, mana ahan mid hakin kara shirka," ayuu yiri wasiirka oo sheegay in shirka uu maanta u hakaday cillado farsamo, balse uu sii socon doono.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in ammaanka gooibta uu shirku ka socdo ay tahay mid aad u sugan, isagoo aan sheegin cidda ka dambeysay hoobiyeyaasha laug soo weeraray goobta shirka, balse waxaa jirtay in Al-shabaab ay dhowr jeer oo hore sheegeen inay beegsan doonaan goobta uu shirku ka socdo.

Dugsiga tababarka booliiska ee magaalada Muqdisho oo ah goobta uu shirku ka socdo ayaa waxaa ku sugan ciidammo badan oo ka tirsan DKMG ah iyo kuwa AMISOM kuwaasoo aad u baaraha ergooyinka iyo dadka kale ee shirka qaybta ka qaadanaya.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleen qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay goobta uu shirku ka socdo, balse lama sheegin khasaare ka dhashay, waxaana tani ay noqonaysaa markii ugu horreysay oo shirka la weeraro tan iyo markii uu furmay 25-kii bishan.

Magaalada Muqdisho ayaa waxay gacanta ugu jirtaa dowladda KMG Soomaaliya lama oga halka laga tuuray hoobiyeyaasha lagu weeraray goobta shirku ka socdo, iyadoo dowladdu ay horay u sheegtay inay sugtay ammaanka magaalada oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya