4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 27, 2012
Dowladda Britain oo xaqiijisay in ciidammo caawinaya kuwa AMISOM ay kaga sugan yihiin Magaalada Muqdisho

Jimco, July 27, 2012 (HOL) — Wasaaradda gaashaandhigga Britain ayaa xaqiijisay in koox yar oo ciidammo ah isla markaana caawinaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ay kaga sugan yihiin gudaha Soomaaliya.

Ciidamada Britain ee ku sugan Soomaaliya oo tiradooda lgau sheegay 10-askari oo keliya ayaa waxay sheegtay UK inay ku sugan yihiin xarunta weyn ee AMISOM, balse qaar ka mid ah ayaa lagu arkay toddobaadkan degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30-km.

"Amar uma haystaan inay dagaalamaan, balse howshoodu waa inay ciidamada AMISOM ka caawiyaan dhinacyada isgaarsiinta iyo caafimaadka," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Britain.

Xarakada Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay dagaallada ay kula jirto AMISOM ay gacan, balse ma jirto beenin iyo rumeyn kasoo baxday dhinaca dowladda KMG ah iyo taliska Midowga Afrika.

Ciidamada DKMG ah oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ayaa waxay Xarakada Al-shabaab kala wareegeen degmooyin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Afgooye iyo Balcad oo daris la ah Muqdisho.

"Waxaan Soomaaliya u dirnay ciidammo kooban oo ah la taliyeyaal iyo caawiyaasha ciidamada AMISOM," ayaa laga soo xigtay afhayeenka u hadlay wasaaradda difaac dalka Britain.

Arritan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo xilliga DKMG ah uu ku eg yahay bisha Ogoosto ee sannadkan, iyadoo xilligaas kaddib la dooran doono madaxweyne cusub iyo baarlamaan cusub, kuwaasoo daaha u furaya dowladda joogtada ah ee ay Soomaaliya yeelanayso.

Ciidamada AMISOM oo ka socda dalalka, Jabuuti, Burundi, Uganda, Kenya iyo Sierra Leone ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo la shaaciyo inay gacan ka helaan ciidammo caddaan ah oo howgalka qayb ka ahayn.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya