4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 24, 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu ku kalsoon yahay in mar kale loo doorto xilka Madaxweynenimo ee Soomaaliya


Talaado, July 24, 2012 (HOL) — Madaxweynaha dowladda KMG ee Musuq-maasuqa ku eedeysan, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay oo Isniin ahayd sheegay inuu rajo weyn ka qabo in mar kale loosoo doorto xilka madaxnimo ee Soomaaliya, iyadoo xilligiisa shaqo uu ku eg-yahay bisha oo socota ee Ogoosto.

Sheekh Shariif oo sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya ayaa ku faanay inuu wax badan ka bedelay xaaladda dalka intii uu xafiiska joogay, isagoo intaas ku daray in waqtiga u harsan ay ku dhameeyaan howlaha horyaalla.

"Waxaan ahay murashax awood leh, waxaana kalsooni ku qabaa inaan guuleysan doono," ayuu yiri Sheekh Shariif oo wariyeyaal kula hadlayay xafiiskiisa magaalada Muqdisho.

Dowladda KMG ah ee ay Qarmada Midoobay taageerto ayaa wuxuu xilligeedu ku eg-yahay 20-ka bisha Ogoosto ee soo socota, iyadoo xilka madaxnimo ee dalka ay u taagan yihiin in ka badan 20-murashax oo mid walba uu sheegayo in haddii la doorto uu horumar gaarsiin doono dalka iyo dadka.

Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa waxay wadaan xulista xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo dooran doona guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha uu dalku yeelanayo.

Sheekh Shariif ayaa wuxuu xilka madaxnimo ee dalka kula tartami doonaa xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha baarlamaanka, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isagana ka mid ah xubnaha lagu eedeeyay inay musuqmaasuqeen hantidii loogu deeqay ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo afhayeenka baarlamaanka ayaa iska fogeeyay inay ku lug leeyihiin eedeymaha ay u soo jeediyeen guddiga baarista Qaramada Midoobay iyagoo warbixinnadaas ku tilmaamay kuwo aan sax ahayn oo la been abuuray.

"Waan arki doonnaa arrintan halka ay ku dambeyso, waxaana u arkaa mid dano gaar ah laga leeyahay, balse aniga go'aankeygu waa mid cad," ayuu Sheekh Shariif u sheegay wariyeyaashii uu la hadlay.

Doorashooyinka madaxnimo ee ka dhacaya Muqdisho ayaa waxay noqonayaa kuwii ugu horreeyay ee lagu soo doorto hoggaamiye Soomaaliyeed tan iyo 1991-kii oo ay burburtay dowladdii dhexe ee dalka ka talinaysay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya