4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 23, 2012
Gudoomiyihii hore ee SSC oo maanta Buuhoodle gaarey kadib markii uu mudo Garoowe ku sugnaa

Isniin, July 23, 2012(HOL): Gudoomiyihii hore ee ururka SSC Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) ayaa maanta waxaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey magaala madaxda gobolka Cayn ee Buuhoodle. Xagla-toosiye oo dhowaan dalka dibadiisa kasoo laabtay wuxuu beryihii u danbeeyey ku sugnaa magaala madaxda Puntland ee Garoowe.

Saleebaan Xaglo intii uu Garoowe ku sugnaa wuxuu la kulmay madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo madax kale oo ka tirsan Puntland, wuxuuna maanta markii uu Buuhoodle gaarey ka warbixiyey ujeedada socdaalka uu Garoowe ku tegey iyo waxyaabaha ay madaxda Puntland ka wada hadleen.

Wuxuuna sheegay in dalku uu dalkiisa yahay, dadkuna ay dadkiisi yihiin sidaas darteedna uu Garoowe u tegey sidii uu dadka walaalaha ah isugu soo dhoweyn lahaa waa sida uu hadalka u dhigaye, isagoo arintaas ka hadlayana wuxuu yiri:

"Madaxdii aan Garoowe kula soo kulmay waxan ka wada hadalnay arimo badan oo ay kamid yihiin: sidii dadka tolka ah la isugu soo dhoweyn lahaa iyo weliba sidii la isugu dhega furnaan lahaa"

Mar uu ka jawaabayey su'aal ay warbaahintu weydiisey oo ahayd waxyaabaha ay isla soo qaadeen madaxweynaha Somaliland oo ay todobaadyo kahor dalka Imaaraatka kulan ku yeesheena waxaa Xagla-toosiye hadladiisii kamid ahaa:

"Shirkii aan la qaatay madaxda Somaliland wuxuu ahaa shir nabadeed, waxan ka wada hadalnay arimo badan oo danta shacabku ay ku jirto, waxanna isku afgaranay in aan ka wada shaqeyno sidii xal nabadeed lagu gaari lahaa"

Saleebaan Ciise Axmed oo siyaasada Puntland kasoo muuqday sanadkii 2009, wuxuu ka mid ahaa musharrixiintii xiligaas u tartamayey jagada madaxweynaha, markii uu doorashada ku guul dareystey kadib wuxuu ka tanaasulay xil uu madaxweyne Faroole usoo magacaabay oo ahaa wasiirka kaluumaysiga isagoo markaasna kadibna ku biiray maamulkii SSC (Sool, Sanaag iyo Cayn).

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia