4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Ururka PSA oo deeq Marawaxado ka kooban gaarsiiyey maxaabiista ku jirta xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso [SAWIRO]


Axad, July 22, 2012(HOL) — Ururka dhalinyarada iyo horumarinta arimaha bulshada Puntland (PSA) ayaa maanta deeq Marawaxado ka kooban gaarsiiyey xabsiga weyn ee magaalada Boosaaso (Gaal-shire).

Munaasabadii deeqdan lagula kala wareegayey oo ka dhacday gudaha xabsiga, waxaa kaso qayb galay maamulka degmada Boosaaso, taliska ilaalada xabsiga, waxgarad iyo xubnaha ugu sareeya ururka PSA.

Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay gudoomiyaha ururka dhalinyarada iyo horumarinta arimaha bulshada Puntland Cabdifataax Maxamed Sugulle, wuxuuna sheegay in Marawaxadahan oo ay tiradoodu 16 xabo tahay loogu tala galay in lagu xiro qolalka ay maxaabiistu ku jiraan.

Mr. Sugulle ayaa intaas raaciyey in qiimeyn ay ku sameeyeen baahiyaha ay maxaabiistu qabaan kadib ay garowsadeen in ay Marawaxado u keenaan, maadaama lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, jewiguna uu yahay mid aad u kulul, maxaabiista intooda badanina ay sooman yihiin.

Taliye ku xigeenka xabsiga Xasan Maxamed Xasan oo isaga rasmi ah agabkan loogu wareejiyey ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin deeqda uu ururka PSA soo gaarsiiyey. Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in agabka maanta maxaabiista loo keenay uu yahay mid kooban, balse marka la eego baahida xiligan loo qabo uu wax badan tari doono.

Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabdallah Xasan oo qayb ka ahaa mas'uuliyiintii madashaas ka hadashay, ayaa tilmaamay inay haboon tahay in wax lala baxo inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, wuxuuna PSA uga mahad celiyey dadaalka ay muujiyeen isagoo sheegay in uu yahay mid ku dayasho mudan.

Gudoomiyaha nabadoonada gobolka Bari Cabdiqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo ugu danbeyntii hadalka qaatay ayaa ku dheeraaday ka sheekeynta sida ay lagama maarmaanka u tahay in loo naxariisto maxaabiistam maadaama ay yihiin dad aan xoriyad haysan.

Nabadoonku wuxuu baaq u diray bulshada Puntland kuwa dalka ku nool iyo kuwooda qurba joogta ahba, wuxuuna ka codsaday in ay xil iska saaraan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen daboolista baahiyaha maxaabiista sida: iibinta shidaalka Matoorka xabsiga iyo weliba afursiinta maxaabiista sooman.

Xabsiga (Gaal-shire) ee magaalada Boosaaso oo ah kan ugu weyn xiligan guud ahaan deegaanada Puntland, waxaa ku jira maxaabiis ay tiradoodu boqolaal kor u dhaafayso, waana markii ugu horeysey ee urur kamid ah kuwa maxaliga ah ee ka jira Puntland uu deeq noocan oo kale ah gaarsiiyo.






Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia