4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Iskahorimaad ka dhacay Degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubbada Hoose iyo Xiisado ka taagan Jubbooyinka
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Iska-horimaad xooggan ayaa xalay ka dhacay degmada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose kaasoo u dhexeeyay ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni oo kaashanaya Militariga Kenya iyo Xarakada Al-shabaab.

Iska horimaadkan oo ahaa mid xooggan ayaa yimid kadib  markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen nawaaxiga degmada Badhaadhe waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal qaatay saacado kooban.

Illaa imika lama garanayo khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadii dagaalamay oo faahfaahin ka bixiyay dagaalkii xalay iyo weliba khasaaraha ka dhashay.

Goobjooge ku sugan Badhaadhe oo ka gaabsaday magaciisa ayaa HOL u sheegay in dagaalkii xalay uu cabsi aad u weyn ku beeray dadka deegaanka, wuxuuna sheegay in xaaladda magaalada ay saaka tahay mid dagan.

Dhinaca kale, ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni iyo Militariga Kenya ayaa dhaqdhaqaaqyo aad u xooggan ka bilaabay gobolka Jubada Hoose, iyadoona dhaqdhaqaaqyada ciidamada huwanta ah laga dareemayo deegaanada ay ku suganyihin ee gobolka Jubada Hoose.

24-kii saac ee ugu danbeeyay ayaa la sheegay in gobolka Jubada Hoose ay soo gaareen ciidamo aad u tiro badan oo kasocda dowladda Kenya, kuwaasoo ku biiray difaacyada hore ee dagaalka, iyadoona la filayo in ciidamadani ay ka qeybqaataan howlgallo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya qorsheynayaan in ay ku weeraraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose.

Dhaqdhaqaaqyadan ciidan ee kasoo cusboonaaday gobolka Jubada Hoose ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Kenya ay hore shaaca uga qaaday in bisha August ee fooda nagu soo heeyso ay weerari doonto magaalada Kismaayo oo ah magaalo ay siweyn ugu xoogganyihiin Al-shabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya