4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Wasiirka Duulista Hawada ee Somaliland oo sheegay in la boobay dhulkii Garoonka Diyaaradaha Burco, amarna ku bixiyey in loosoo celinayo
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Wasiirka Duulista Hawadda Somaliland oo hogaaminayo wefti iskugu jira, wasiiro iyo xildhibaano, ayaa olole bannayn ah ka bilaabay garoonkii diyaaradaha ee magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer kaas oo muddo badan aan shaqayn.

Wasiirka ayaa ciidamo aad u xoog badan oo iskugu jira boolis iyo Milatari u adeegsaday hawlgalkaasi sidii ay uga rari lahaayeen dad badan oo guryo ka samaystay dhulkii uu lahaan jiray garoonka diyaaradaha ee Burco, waxaanu sheegay in faqiir iyo taajirba aan loo kala eegeyn dadka dhulkan garoonka degay ee guryaha ka dhistay, balse dhamaantood laga wada rari doono.

Dadkan degay qaybo badan oo ka mid ah dhulkii garoonka ayaa waxa iskugu  jiray dad dan yar ah iyo dad wax haysta oo guryo dhismayaal ah ka dhisay, waxaanu wasiirku sheegay in aanu cidna ka yeelayn inay  guryo ka dhisato dhulkii garoonka diyaayaradaha ee magaaladda Burco.

“Waxaanu shaqadeedii bilawnay in aanu calaamadino Xuduudaha Dhuleed ee Madaarka Magaalada Burco leeyahay,Madaarkanina maaha dhul Cusub oo iminka la yagleelayo waa mid soo jireen ah waa madaarka ugu guunsanaa madaarada Somaliland ee dawladii ingiriisku dhistay”:ayuu yidhi wasiirka Duulista Hawadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo ka hadlay dadkan ay ka rarayaan dhulkan uu hore u lahaan jiray garoonka diyaaraduhu, waxaanu intaasi ku daray “ Dhulkan maanta la dhistay ee la Boobay ee la bililaqaystay waa dhulkiisii, Waxaanan leeyahay reer Burco ma suuroobayso in dhulkii madaarkana la Baloodhaysato madaarna uu noqdo taasi ma aqbalidoono ” ayuu raaciyey wasiirku, waxaanu sheegay inuu dayr ku wareejin doonno dhulka madaarka, isla markaana ka dhigi doono madaar caalami ah.

Wasiir ku xigeenka Hawlaha Guud, Badhassabka Gobolka Togdheer Cabdoo Axmed Aayir,Maayirka Burco Maxamuud Axmed Xasan,Xildhibaano iyo madax kale ayaa iyaguna ka hadlay hawlgalkan ciidanka lagu saaray inay dadkaasi ka raraan dhulkan, iyagoo sheegay in sharci daro lagu degay isla markaana imika laga rarayo dadkaasi.

Meeshan laga rarayo dadka ayaa qaarkood soo degay labaatankii sano ee u dambeeyey, iyagoo guryo waaweyna laga dhistay, haseyeeshee dadkan ayaa xoog lagu raray iyadoo loo adeegsaday ciidamadda kala duwan ee amniga.

Dhinaca kale,  Wefti dhakhaatiir ah oo ka socda Imaaraadka carabta ayaa hawlo caafimaad ka bilaabay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaanay markiiba bilaabeen kormeer ay ku eegayaan xaaladda caafimaad ee gobolkan iyo dadka bukaan jiifka ah ee cisbitaalka ku jira, waxaanay sheegeen inay qalab casri ah oo ay ku wareegi doonaan ilaa tuulooyinka gobolku ka kooban yahay soo qaadan doonaan marka ay dhamaystay xogtooda, iyagoo xusay in dadka ay wadanka gudihiisa wax kaga qaban waayaan u qaadi doonaan Imaaraadka carabta.

Agaasimah Cusbitaalka Magaalada Burco Cabdiqaadir Xaaji Muuse, ayaa Weftigan warbixin ka siiyey cisbitaalka guud ee magaaladda Burco iyo qaybihiisa kala duwan ee uu ka kooban yahay, waxaanu u mahadnaqay weftigan dhakhaatiirta ah ee hawlaha caafimaad u yimid gobolkoodda.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online  
[email protected]
Hargeysa, Somaliland