4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Iskahorimaad khasaare geystay oo Ciidammo kawada tirsan kuwa Dowladda KMG ah ku dhexmaray Magaalada Muqdisho
Axad, July 22, 2012 (HOL) — Qof haweeney ah ayaa ku dhimatay, laba qof oo kalena way ku dhaawacmeen iska-horimaad ciidammo kawada tirsan dowladda KMG Soomaaliya ku dhexmaray maanta oo Axad ah waddada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Iskahorimaadkan ayaa dhashay kaddib markii ay ciidammo milateri ah weerareen gaari uu watay taliyaha saldhigga degmada Hodan oo ay maxaabiis saarnaayeen, iyadoo la sheegay in ciidamada qaaday ay doonayeen inay maxaabiistaas fakiyaan.

"Haweeney ayaa dhimatay, laba qof oo kalena way dhaawacmeen. Rasaastu waxay ahayd mid culus mar qura cid walba way ka carartay waddada," ayuu yiri Maxamed Muuse oo ka mid ah dadkii goobtaas ku sugnaa.

Sidoo kale, goobjooguhu wuxuu sheegay in maxaabiis saarnayd gaarigii uu watay taliyaha saldhigga booliiska Hodan ay ka baxsadeen dhowr maxbuus oo saarnaa, balse ma jirto weli hadal kasoo baxay taliyaha oo ku aaddan maxaabiista laga furtay.

Arrintan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo ka dhacda Muqdisho tan iyo markii ay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMISOM kala wareegeen gacan ku haynta degmooyin Muqdisho ka tirsan Xarakada Al-shabaab oo muddo sannado ah ka talinaysay.

Lama oga maxaabiista la fakiyay inay ka mid ahaayeen ciidamada iyo inay ahaayeen dad shacab ah, waxaase tani ay fajaciso ku reebtay dadkii ku sugnaa waddadaas oo ah midda ugu mashquulka badan Muqdisho, isla markaana isku xirta madaxtooyad iyo isgoyska KM4.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya