4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 22, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Galguduud oo Dowladdu ay dhawaan magacowday oo maanta gaaray Degmada Guriceel

Axad, July 22, 2012 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Galguduud ay dowladda KMG toddobaadkii hore u magacowday gobolkaas, Yuusuf Xasan Ciyoow iyo xubno wehlinaya ayaa saakay ka dagay garoonka diyaaradaha ee degmada Guriceel, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen dadweyne fara badan.

Wafdiga guddoomiyaha oo ay ka mid ahaayeen guddoomiyaha degmada Guriceel, Ciise Cismaan Nuur (Taar-dhuleed) iyo guddoomiyaha degmada Dhuuso-mareeb, Sheekh Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Geedo-Qoroow).

Inkastoo mas'uuliyiintan aysan saxaafadda la hadlin markii ay saakay ka dhoofayeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa haddana waxay sheegeen markii xilalka loo magacabaay inay gacan ka geysan doonaan sidii gobolkaas oo dhan ay ammaan ugu soo celin lahaayeen.

Guddomiyaha iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay saxaafadda kula hadlaan gudaha degmada Guriceel, inkastoo aan la ogeyn inay gaari doonaa degmooyinka kale ee gobolkaas uu ka kooban yahay oo ay kala maamulaan Ahlusuna iyo Al-shabaab.

Ururka Ahlusunna Waljamaaca ayaa horay u soo dhaweysay maamulka ay dowladdu u magacowday gobolkaas, iyadoo maamulkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo ay dowladda KMG ah u magacowday gobolkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya