4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Ra'iisul Wasaaraha DKMG Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Xallinta Khilaafaadka iyo Guddiga Farsamo ee Xulista Ergooyinka
Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo xubno wasiirro ah ayaa maanta la kulmay guddiga xallinta khilaafaadka iyo guddiga farsamo ee soo xulista ergooyinka ansixinta dastuurka iyo xulista xubnaha baarlamaanka, kaasoo looga hadlay dedejinta howlgaha lagu ansixinayo dastuurka iyo go'aan ka gaarsinta odayaal la isku haysto.

Shirkaan oo ahaa mid ay albaabbadu u xirnaayeen ayaa waxaa markii u soo xirmay la hadlay saxaafadda wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka Soomaaliya, C/raxmaan Xoosh Jabriil oo sheegay in rajo wanaagsan ay tuseen guddiyadii ay la kulmeen oo dhan.

"Guddiga farsamo ee xulista ergooyinka waxaan kala hadalnay waxay ahayd sidii aan u heli lahayd halka ay howshu marayso, warbixinno ayaan ka qaadannay, rajo wanaagsan oo muujinaysa inaan waqtiga la dhaafayn," ayuu yiri C/raxmaan Xoosh.

Sidoo kale, wasiirka wuxuu sheegay inay la kulmeen guddiga xallinta khilaafaadka odayaasha dhaqanka, kuwaasoo ay kala hadleen saddex illaa afar oday oo la isku haysto, isagoo sheegay inay ku wargeliyeen in caawa illaa berri subax ay kusoo dhameystiraan arrintan si howsha ay u sii socoto.

Dhanka kale, wasiirka ayaa sheegay in baaqashadii kulanka ansixinta dastuurka ee maanta ay ku timid sababo farsamo, isagoo sheegay iay socdaan diiwaan-gelinno dhinaca faraha ah oo ergooyinka laga qaadayo, si loo hubiyo marka ay galayaan xarunta shirka.

Ugu dambeyn, wasiirku wuxuu sheegay in howlaha harsan lagu dhameystirayo waqtigii loogu talogalay, isla markaana ay odayaashu ku gudo jiraan xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya