4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole iyo Xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada oo booqday Saado Cali

Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Mas'uuliyiin ka tirsan Puntland, oo uu horkacayey madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa duhurnimadii maanta booqday fanaanada Saado Cali Warsame, oo shalay ku dhaawacantay shil gaari, xilli ay dhinaca magaalada Garoowe kusoo jeedey.

Madaxweynaha iyo madaxda kale ee la socotey waxay fanaanada ugu tageen aqalka wasiirka wasaarada haweenka iyo horumarinta arimaha qoyska Puntland Caasho Geelle Diiriye ay magaalada Garoowe ka degen tahay, waxyar kadib markii Isbitaalka laga soo saaray.

Mas'uuliyiin ka tirsan golaha wasiirada ee Puntland oo ay kamid ahaayeen wasiirrada maaliyadda, haweenka iyo arimaha gudaha ayaa booqashada madaxweynahu uu Saado Cali ugu tegey ku weheliyey, sidoo kale waxaa madaxweynaha la socdey madax ka tirsan Federaalka oo uu ku jiro xildhibaan Cabdirisaaq Cismaan Juurile.

Saado Cali Warsame oo kamid ah fanaaniinta fara ku tiriska ah ee ka haray kuwii qaranka, horayna uga tirsanaan jirtey hoboladii Waaberi, waa markii ugu horeysey ee ay dalka dib ugu soo laabato kadib markii ay muddo 22 sano ah qurbaha ku nooleyd.

Waxayna qayb ka tahay ergada Puntland uga qayb geleysa shirweynaha lagu ansixin doono Dastuurka dalka, kaas oo la filayo in uu dhowaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku qabsoomo.

Maxamed Salaad Xaaji Diriri, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Somalia