4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 21, 2012
Barack Obama oo Mamnuucay Dhoofinta Dhuxusha Somalia, Sheegayna in la Cunno-qabteynayo ciddii ku lug yeelata Musuq-maasuqa Deeqaha Soomaaliya

Sabti, July 21, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama ayaa mamnuucay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay dhaqaale ka hesho Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta DKMG ah iyo AMISOM, isagoo sidoo kale sheegay in cunno-qabteyn la saari doono cid walba oo ku lug yeelata musuq-maasuqa dhaqaalaha loogu deeqo Soomaaliya iyo kuwa askareeya caruurta.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in xayiraadda dhoofka dhuxusha Soomaaliya ay xoojinayso qaraarkii uu horay u meel-mariyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo lagu mamnuucay dhoofka dhuxusha Soomaaliya.

"Manuucidda dhoofka dhuxusha Soomaaliya waa mid cadaadis saaraysa Al-shabaab oo dhaqaale badan ka hela dhoofinta dhuxusha," ayay tiri Victoria Nuland oo ah afhayeenad u hadashay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka. "Dhuxusha ayaa waxay dhibaato ku haysaa deegaanka, waana mid sii xumaysa dhibaatooyinka bani'aadamnimo ee Soomaaliya muddada dheer ka taagan."

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Al-shabaab oo ku dhawaaqday billowgii sannadkan inay ku biirtay Al-Qaacida inay khatar weyn ku hayso ammaanka, nabadda, inay Soomaaliya xasillooni kusoo laabato iyo iyadoo is-hortaagtay in gargaarka deg-deg lagu gaarsiiyo dadka u baahan.

Sidoo kale, warbixintan oo lasoo saaray Jimcihii shalay ayaa lagu sheegay in cunno-qabteyn la saari doono cid walba oo ku lug yeelata musuqmaasuqa gargaar loogu talogalay Soomaalida iyo kuwa carruurta askar ka dhigta.

Xarakada Al-shabaab ayay warbixintu sheegay in dhaqalaaha ugu badan ee ay ku dagaalanto ay ka hesho dhoofka dhuxusha, taasoo ka baxda dekedaha ku yaalla Koonfurta Soomaaliya oo ay iyadu maamusha, iyadoo dhuxushaas loo iib-geeyo dalalka Khaliijka Carabta oo ay ku jiraan Yemen, Sucuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Soomaaliya oo xilligeedu ku eg-yahay bisha soo socota ee Ogoosto ayaa tan iyo markii la dhisay sannadkii 2004 waxay awoodi wayday inay xasillooni kusoo celiso Soomaaliya ama ay awooddeeda ku baahiso dalka oo dhan.

Ugu dambeyn, warbixinta ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu kala shaqeyn doono Soomaaliya, dalalka gobolka iyo beesha caalamka sidii loo cabsi-gelin lahaa kuwa khatarta ku ah ammaanka, nabadgalyada iyo deggenaashaha Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya