4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 20, 2012
Madaxweyne Axmed Siillaanyo oo Shacabka Somaliland iyo guud ahaan Muslimiinta u diray Hambalyo ku aaddan Bisha Ramadaan

Jimco, July 20, 2012 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shacabka Somaliland iyo guud ahaan islaamka ugu hambalyeeyey bisha barakaysan ee Ramadaan oo maanta kowsatay, waxaanu ilaahay uga baryey inuu sanadkan sanadkiisa kale ku gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.

Madaxweynaha Somaliland oo dhambaalkan tahniyadda bisha Ramadaan ku saabsan u diray shacabka Somaliland waxa ku saxeexnaa Afhayeenka madaxtooyadda Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse).

"Madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Shacbiga Somaliland Meelkasta oo ay Joogaanba Dalka Guddihiisa & Debediisaba ugu Bushaararaynaa uguna Hambalyeynayaa Bisha Barakaysan ee Ramadaan oo Kowsatay ILLAAHAYna waxa uu uga Baryayaa inuu Sannadka Sanadkiisa Bash-Bash & Barwaaqo ku gaadhsiiyo, waxa kale oo madaxwaynuhu uu Dhambaalkan mid la mida u Dirayaa Shucuurta islaamka ee Caalamka oo dhan. "ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedkaasi ka soo baxay madaxtooyadda ee dadweynaha Somaliland iyo islaamka u diray.

Maanta ayey kawsatay bisha Barakaysan ee Ramadaan oo ah bil sanadle ah oo eebe adoomadiisa ku waajibiyey, isla markaana ah bil cibaaddo oo loo baahan yahay in taqwadda iyo alla ka cabsiga la badiyo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland