4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Maydadka Haween la dilay oo DKMG ay dilkooda ku eedeysay Al-shabaab oo maanta laga helay Degmada Dayniile
Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Xaafadda gubta oo ka tirsan degmada Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu arkay maydadka laba haween ah oo la dilay, kuwaasoo la sheegay inay wateen ukun fara badan.

Haweenkan ayaa la sheegay in middiiba laga toogtay madaxa iyo laabta, iyadoo aan la ogeyn cidda rasmi ahaan dilkooda geysatay, balse guddoomiyaha degmada Dayniile ee DKMG ah ayaa sheegay in dilkaas geysteen xubno Al-shabaab ka tirsan.

"Labadan haweenka ah waxaa la dilay xalay, waxaana dilkooda geystay lix ruux oo ka tirsan Al-shabaab," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Dayniile oo saxaafadda la hadlay, isagoo aan sheegin halka uu xogtan ka helay.

Ma jirto cid sheegatay inay mas'ul ka tahay dilka haweenkan, iyadoo haweenkan ay rasaasi kaga taallay qaybta sare ee jirkooda, lamana oga sababta rasmiga ah ee loo dilay iyo halka ay ka yimaadeen.

Dhanka kale, dagaal aan la ogeyn khasaaraha uu geystay ayaa xalay ka dhacay duleedka Muqdisho gaar ahaan agagaarka KM-13, halkaasoo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda KMG ah.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay HOL in dagaalka uu ahaa mid laba geesood ah ayna soo qaadeen xoogag taageersan Al-shabaab, inkastoo dowladda KMG ah aysan ka hadlin dagaalkaas iyo khasaaraha uu geystay.

Magaalada Muqdisho oo ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo loo geysanayo shaqaalaha dowladda iyo dadka shacabka ah, dagaallo iyo weliba qaraxyo khasaare geysta.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya