4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 2 , 2012
Dagaal khasaare geystay oo Ciidamada DKMG, kuwa Itoobiya iyo Xoogaga Al-shabaab ku dhexmaray duleedka Degmada Xudur

Isniin, July 02, 2012 (HOL) — Ugu yaraan 10-qof oo labada dhinac ah ayaa lagu dilay dagaal culus oo xalay duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ku dhexmaray ciidamada DKMG ah oo garansanaya kuwa Itoobiya iyo xoogagga Al-shabaab.

Iskahorimaadkan ayaa billowday markii xoogagga Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ku lahaayeen agagaarka deegaanka Madax-waraabe oo 6-KM ka baxsan degmada Xudur.

"Khasaaraha lama sheegi karo, balse waxaa jira khasaare labada dhinac soo gaaray oo u badan Al-shabaab oo weerar ahaa," ayuu yiri guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macallin Axmed oo la hadlya wabaahinta maxaliga ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus ayna dhinacyadu isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka culus, iyadoo deegaannadii lagu dagaalamay ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Saraakiisha dowladda ee ku sugna degmada Xudur ayaa sheegay in Al-shabaab ay gaarsiiyeen khasaare badan oo wli la tira-koobayo, waxayna xuseen in madaafiic badan lagu garaacay goobihii ay weerarka kasoo qaadeen.

Dhaawacyo ka dhashay dagaalka oo u badan ciidamada Soomaaliya ayaa saakay la gaarsiiyay degmada Xudur halkaasoo lagu daweynayo, iyadoo aan la ogeyn halka la geeyay dhaawacyadii gaaray xoogagga Al-shabaab.

Xarakada Al-shabaab kama aysan hadlin weli dagaalka oo ahaa mid ka dhashay weerar ay iyagu qaadeen, iyadoo degmada Xudur ay ka mid tahay degmooyinka Koonfurta Soomaaliya oo horraantii sannadkan ay ay kala wareegeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa Itoobiya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya