4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 19, 2012
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo ku laabtay Magaalada Baladweyne kana warbixiyay safarro uu ku maqnaa

Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Ammaanka magaalada Baladweyne  ayaa aad loo adkeeyay kadib markii uu maanta dib ugu laabtay guddoomiyaha gobollka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax oo hogaaminayay xubno ka tirsan maamulka gobolka.

Guddoomiyaha oo kula hadllay warbaahinta xarunta maamulka gobolka ayaa sheegay in todobadyadii aynu soo dhaafnay uu ku maqnaa safar uu ku tagay qaar ka mid ah wadamada dariska ah iyo caasimada Muqdisho, halkaasoo uu kulamo kula soo qaatay sida uu sheegay mas’uuliyiinta kala gadisan.

"Safarkeenii ugu horeeyay waxaa ku tagnay dalka Jabuuti oo aan uga qeyb-galnay shir looga hadllayay mashaariic hormarineed oo la doonayo in laga fuliyo gobollka Hiiraan, dhawaanna gobollka waxaa ka bilaabay doona mashaariic hormarineed, dhaqaallihii loogu talagalayna waa la hayaan," ayuu yiri C/fitaax Afrax.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu socdaal ku soo maray magaalada Nairobi iyo caasimada Muqdisho, isaga oo sheegay in is badal lagu sameeyay maamulkii degmada Baladweyne.


"Waxaan rabaan in aan idiin sheego in isbadal lagu sameeyay maamulkii degmada, waxaa la badallay guddoomiyihii degmada, waxaana la soo magacaawday guddoomiye cusub, sidoo kale waxaa ay dowladda naga ogolaatay in la dalacsiiyo ilaa 30 sarkaal oo ka mid ah ciidamada maamulka gobollka,’’ ayuu guddoomiyuhu yiri.

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay in dowladda KMG Somalia ay maamulka ku wareejisay Idaacad FM ah oo sida ugu dhaqsiyaha badan uga howlgali doona gobolka Hiiraan.

Dhinaca kale markii ugu horeysay ayuu ka dhawaajiyay guddoomiyaha mamulka gobollka in labo gobol loo qeybiyay gobolka Hiiraan oo sida uu sheegay in uu ka soo haray Sideedii gobol ee Soomaaliya.

"Sida aad la soctaa gobollka Hiiran waxaa uu ka mid ahaa Sideedii gobol ee dalka Soomaaliya, ugu danbeytii dadaal dheer kadib waxaan ku guuleysanay in aan ka dhigno labo gobol, laakiin wali howshu waa ay soctaa, waxaana xooga saari doonaa sidii qeybaha dhiman ee gobollka looga saari lahaa kooxaha hadda ku sugan,’’ ayuu hadalkiisa raaciyay.

Dhinaca kale, waxaa uu sheegay in uu soo dhamaaday qorshihii guud ahaanba gobollka looga sifeyn lahaa sida uu hadalka u dhigay kooxda Al-shabaab, waxaana uu sheegay in dhawaan lagu dhaqaaqi doono arintaa iyada ah.

Ugu danbeytii, waxaa uu ugu baaqay bulshada ku dhaqan gobollka Hiiraan in ay gacan siiyaan ciidamada amaanka si wada jir looga wada shaqeeyo howlaha la xiriir sugida nabad-galyada.




C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya