Haweenka kulan ku yeeshay Muqdisho oo Dowladda iyo Odayaasha ugu baaqay inay Tixgeliyaan Saamiga Haweenka
Khamiis, July 19, 2012 (HOL) — Kulan ay haweenka Soomaaliyeed ku yeesheen Muqdisho ayaa waxay kasoo saareen warsaxaafadeed ay uga dalbanayaan DKMG ah iyo odayaasha dhaqanka inay tixigeliyaan saamiga ay ku leeyihiin dowladda ee 30% ah.
Haweenkan ayaa waxay soo dhaweeyeen horumarka laga gaaray geedi socodka looga baxayo xilliga KMG ah, iyagoo ku boorriyay madaxda dowladda in muddada yar ee u harsan ay ku dhameystiraan howlaha horyaalla.
Kulanka haweenka ayaa waxaa kasoo baxay afar qodob oo kala ahaa:
1. Waxaan u soo jeedinaynaa dowladda KMG Soomaaliya inay tixgeliso heshiisyadii Garoowe iyo dhammaan heshiiyadii kale, kuwaasoo si cad u qeexayay doorka haweenka ee ka qayb-qaadashada siyaasadda dalka isla markaana la dhawro saamiga loo qoondeeyay inay dumarku ku yeeshaan oo 30% ahayd.
2. Waxaan ugu baaqeynaa odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed inay tixgeliyaan saamiga haweenka ee ku aaddan ka qayb-qaadashada ergooyinka ansixinaya dastuurka iyo xubnaha baarlamaanka cusub.
3. Waxaan si gaar ah ugu baaqaynaa saxiixayaasha Roadmap-ka inay ilaaliyaan heshiisyadii Garoowe II iyo dhammaan kuwii kale, sidii ay ku saxiiseen khaasatan saamiga haweenka.
4. Waxaan sidoo kale baaq u diraynaa beesha caalamka kaasoo ah inay xaqiijiyaan hirgalinta heshiisyadii siyaasadeed ee lagu dhawrayay xuquuqda dumarka ee ku aaddan qayb-galka siyaasadda dalka.
Ugu dambeyn, haweenkii kulankaas isugu yimid ayaa waxay isku raaceen inay difaacdaan xuquudooda, waxayna muujiyeen inay diyaar u yihiin gudashada waajibaadka ka saaran dalkooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]Muqdisho, Soomaaliya