4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2012
Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo Muqdisho yimid, isagoo dhagax-dhigay Mashruuc lagu horumarinayo Saadaasha Hawada
Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku xigeenkaTurkiga, Bakir Buzdag iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray Muqdisho ayaa dhagax-dhigay mashruuc lagu horumarinayo duulista iyo saadaasha hawada garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wafdiga uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha Turkiga ayaa waxaa ka mid ah madaxa hay'adda horumarinta caalamka ee xukuumadda Ankara ee TIKA, taasoo Muqdisho ka wadda mashaariic fara badan oo lagu dhisayo isbitaallo iyo iskuullo.

"Dalalka kale ee doonaya inay caawiyaan Soomaaliya waa inay ku daydaan sida uu Turkigu u caawinayo Soomaaliya," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo ka mid ahaa mas'uuliyiintii soo dhaweeyay wafdiga uu horkacayo ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga.

Sidoo kale, ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in socdaalka wafdiga dalka Turkiga ka socda uu qayb yahay sidii lagu xoojin lahaa mashaariicda ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya, kuwaasoo isugu jira caawin iyo dib u dhis.

"Bozdag wuxuu u yimid sidii uu ugu kuurgeli lahaa mashaariicda ay Turkigu Muqdisho ka wadaan, wuxuuna maanta kulan la qaadan doonaa golaha wasiirrada si la isaga wareysto sida ay howluhu u socdaan," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha Soomaaliya.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu hadalkiisa raaciyay in dowladda Turkiga ay ka billaabayso Muqdisho dayactirka waddooyinka, sidoo kalena ay dayactiri doonto iskuullada iyo isbitaallada ku yaalla Muqdisho ee aan weli howsha dayactirka laga billaabin.

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaare ku xigeenka Turkiga oo saxaafadda la hadlay ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta loo sameeyay, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu soo booqdo Muqdisho, iyadoo booqashadan ay noqonayso tii saddexaad oo uu Muqdisho ku yimaado tan iyo sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya