4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 17, 2012
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo lagu dilay Weerar gaadmo ah oo ka dhacay Deegaanka Libooyo-Kenya

Talaado, July 17, 2012 (HOL) — Saddex ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacya deegaan Libooyo oo ku dhow soohdinta ay wadagaan Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo la sheegay in kooxihii weerarka fuliyay ay baxsadeen.

Weerarkan oo dhacay gallinkii dambe ee shalay oo Isniin ahayd iyadoo la sheegay in saraakiisha la toogtay xilli ay dib ugu soo laabanayeen deegaanka Libooyi, waxayna saraakiisha booliiska dalkaas ku eedeeyeen weerarkan Xarakada Al-shabaab.

"Saddex ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya ayaa naftooda ku waayay weerar ay la beegsadeen kooxo hubeysan iyagoo doonaya inay dib ugu soo laabtaan Libooyo," ayuu yiri George Kingi oo ka tirsan saraakiisha booliiska Kenya ee Gaarisa ku sugan.

Kingi oo wax laga weydiiyay inay jiraan cid kale oo weerarkaas uu dhaawac kasoo gaaray ayaa sheegay inuusan garan karin cid kale oo wax ku noqotay ayna wadaan baaritaanno ku saabsan sida uu weerarku u dhacay iyo kooxaha weerarkaas ku lug lahaa.

Dalka Kenya ayaa waxaa tan iyo bishii Oktoobar ee sannadkii hore oo ay ciidammo u direen gudaha Soomaaliya ka dhacayay qaraxyo iyo weerarro gaadmo ah oo lala beegsanayo ciidamada iyo shacabka dalkaas, kuwaasoo madaxda Kenya ay dusha ka saaraan mas'uuliyadeeda Xarakada Al-shabaab.

Weerarradan ayaa waxay ka dhacayeen tan iyo xilligaas deegaanno soohdinta ku dhow, magaalada Nairobi iyo magaalo xeebeedda Mombasa, iyadoo ay dad badan ku dhinteen weerarradaas kuwo kalena dhaawacyo kasoo gaareen.

Xarakada Al-shabaab oo ku biirtay Al-Qaacida ayaa sannadkan ku dhawaaqday inay dagaal la galayso dalka Kenya oo ay ku eedeysay inay weerar kusoo qaadeen dalka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya