4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo xanuun awgiis uga qaybgeli waayay markii ugu horreysay shirka ururuka Midowga Afrika
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi ayaan ka qaybgalay shirka madaxda ururka Midowga Afrika uga socda Addis Ababa, iyadoo ay ilo wareedyo hoose sheegayaan inuu aad u xanuunsan yahay.

Xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa ayaa waxaa shalay oo Axada ahayd uu shir uga furmay in ka badan 40-madaxweyne oo ka socda dalalka Afrika, kuwaasoo kaga hadlayo shirkooda xiisadaha dagaal ee qaaradda ka jira, kuna doortay hoggaamiye cusub oo uu ururku yeesho.

Meles Zenawi oo la filayay inuu Sabtidii lasoo dhaafay furo shir looga hadli lahaa iskaashiga iyo horumarinta dalalka Afrika ayaa ka qaybgalin shirkaas. Laakiinse madaxweynaha dalka Sinigaal Macky Sall ayaa furay shirka isagoo sheegay in Meles uusan xaalado caafimaad awgood uga soo qaybgalayn shirka.

Telefishinka dalka Itoobiya ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Zenawi ay wanaagsan tahay, basle shabakad ay mucaaradku leeyihiin ayaa qortay in Meles laga daweynayo xanuun daran oo uu qabo.

Dowladda Itoobiya weli kama aysan hadlin arrinta, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo Meles Zenawi uu ka baaqdo shirka Midowga Afrika tan iyo sannadkii 1991-kii oo xukuumaddii Col. Mingiste Haile Mariam laga tuuray xukunka.

Ra'iisul wasaraha Itoobiya Zenawi ayaan sidoo kale ka qaybgalin shir baarlamaanka Itoobiya uu yeeshay toddobadkii hore, kaasoo lagu waday inuu ka jeediyo hadal ku saabsan miisaaniyadda dalkaas.

Lama sheegin halka uu ku sugan yahay ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya, wuxuuna horay u sheegay inuu xilka ka dagayo marka la gaarao sannadka 2015, kaddib markii uu ku guuleysatay doorashadii dalkaas ka dhacday sannadkii 2010.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya