4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, July 16, 2012
Tahriibyaal Soomaaliyeed oo ku xiran dalka Liibiya oo ka cabanaya dhibaato ay ku hayaan Malleeshiyaadka dalkaas
Isniin, July 16, 2012 (HOL) — Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ay xabsi ku hayaan koox malleeshiyo ah oo gacanta ku haysa magaalada Misraata ee dalka Liibiya ayaa ka cabanaya dhibaatooyin lagu hayo.

Dhallinyaradan oo aan tiradooda la sheegin ayaa waxay isugu jiraan haween iyo rag iyagoo sheegay in jir-dil loo geysto, waxayna hadal ay siiyeen BBC-da ku sheegeen in mararka qaarkood ay ciidamadaas kula kacaan haweenka falal aan wanaagsanayn.

"Bilooyin ayaan halkan ku xirannahay, qaarkeen magaalada ayaa nalaga soo qabtay qaar kalena badda, waxayna kooxaha gacanta nagu haya oo malleeshiyo ah ay noola dhaqmaan si aad u fool xun. Mararka qaarkood koronto ayaa nalagu dhajiyaa," ayay tiri gabar ka mid ah dadka ay malleeshiyadaas haystaan oo kusoo gaabisay magaceeda Najmo.

Haweenkan iyo raggan Soomaaliyeed ayaa waxay ka codsanayaan dowladda KMG ah inay gacan ka geysato sidii dib loogu celin lahaa dalkooda, iyagoo sheegay inay nolol aad u xun ku jiraan.

"Dowladda waxaan ka codsanaynaa inay gacan ka geysato sidii dalkeenna naloogu celin lahaa, waayo halkan dhibaato ayaa nagu haysata," ayay tiri Najmo oo aan sheegin in dhaawacyo iyo dhimasho ay kasoo gaaraan jir-dilka lo geysto.

Intaas kaddib, dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Liibiya, C/qani Maxamed Wacays oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay jiraan dhallinyaro Soomaaliyeed oo meelo badan oo ka tirsan dalka Liibiya lagu haysto, isagoo sheegay inay meelahaas ku booqdeen.

Dajiruhu wuxuu sheegay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku xirxiran dalka ay marar badan u bandhigeen in dib loogu celiyo dalkooda, balse ay taas diideen, isagoo sheegay in safaaraddu ay diyaar u tahay inay gacan siiso cid walba oo doonaysa inay dib ugu laabato Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya